Turkiga iyo AlJeeriya oo ku heshiiyay kordhinta duulimaadyadda

Image
Dalka Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay tirada diyaaradaha isaga kala goosha.

NAIROBI, Kenya - Maamulka duulista hawada ee Turkiga iyo dowladda AlJeeriya ayaa ku heshiiyey in ay is-dhaaf-sadaan ka badan laba jibaar tirada duulimaadyada isaga kala goosha labadda waddan.

"Heshiis isfaham ayaa la saxiixay, taasoo u ogolaanaysa tirada duullimaadyada labada dal in laga kordhiyo 35 ilaa 80 todobaadkii," Agaasinka Guud ee Duulista Rayidka Turkiga (SHGM) ayaa ku qoray masha X Talaadadii.

Heshiiska ayaa sidoo kale waxa uu meesha ka saaraya xannibaadaha ku wajahan meelaha ay ka howlgali karaan duulimaadyada labada dal, ayay raacisay.

Dalka Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay tirada diyaaradaha isaga kala goosha, iyadoo sanadkii 2023-kii la arkay 2.1 milyan oo duulimaad, taasoo u dhiganta 15-kii ilbiriqsiba hal diyaarad.

Tirada duullimaadyada, oo ay ku jiraan duullimaadyada transit-ka, ee hawada Turkiga ayaa kor u kacay 14.9 boqolkiiba sanad kasta sanadka 2023, taasoo kor uga kacday 1.8 milyan ilaa 2.1 milyan, ayuu yiri ilo ka tirsan Agaasinka Guud ee Maamulka Madaarada Gobolka (DMHI).

Khubarada dhinaca duulista ayaa sheegay in kororkani uu ugu wacan yahay maalgashiga badan ee lagu sameeyay kaabayaasha duulista ee dalka.

Dhamaadka 2023, xogta cusub ayaa sheegtay in 67 boqolkiiba diyaaradaha soo degaya iyo kuwa kacaya ay ahaayeen duullimaadyo ganacsi, iyadoo tirada ay kor u kacday 16.3 boqolkiiba sannad kasta ilaa 1.3 milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM