Tuuladda dadka ku nool ay ciidanka ka baqaan in ka badan Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Wakiilka cusub ee tuuladan ee caanka ku ah Ariga, Geelle iyo ciidda gaduudan kuna dhow xadka Soomaaliya-Kenya, Ciise Axmed Cabdi, ayaa go’aansaday in uu ceel u qodo bulshadiisa.

Balse howlihii qoditaanka waxaa hareeyay buuq ah "mootooyinka labada lugood leh ama taankiyadda," ayuu xusuustii dib ugu celiyay.

"Hooyooyinka waa ay ordayeen iyaga oo dhabarka ku sita caruurtooda, sida deer baqeysa, waan u tegay si aan ugu dhaadhiciyo in aysan ahayn milatariga," ayuu u sheegay wargeyska afka dheer ee Washington Post.

Dadka halkan ku nool waa Kenyan, balse waxay ciidanka milatariga ka baqaan in ka badan Al-Shabaab, koox fadhigeedu yahay Soomaaliya taasoo dagaal ugu jirta dhaqangelinta Diinta iyo Shareecadda Islaamka.

Sideed sano oo ay gudaha iyo meel ka baxsan dalka kula dagaalamayaan Al-Shabaab, dadka ku dhaqan Kutulo waxay sheegayaan in milatariga Kenya ay argagixisadda kula dagaalamayaan argagixinta dadka.

Dadweynaha ayaa tibaaxaya in Ciidanka Difaaca Kenya ay si joogto ah ugu tuntaan Soomaali-Kenyanka, iyaga oo "u ciqaaba weerar kasta oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ka fuliyaan ciida Kenya".

Dadka qaar ee la xiray ayaa marka lasoo daayo waxaa lagu dhaariyaa in ka aamusaan su'aallo waydiinta. Balse qaarkood ayaa waxaa kaliya maalmood ama bilooyin kadib meydadkooda laga helaa wadooyinka.

Mararka qaarna waxaa meydadkooda loo dhigaa xayawaanada sida Warabaaha marka uu qofka ku dhinto gacanta ciidamadda.

Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha, warbaahinta maxaliga ah iyo Qaramada Midoobay ayaa diiwaangeliyay xadgudubyo ay geysteen ciidanka Kenya oo ay kamid tahay 88 kiis oo ku saabsan dad la waayey 1980.

Eedeymaha ku saabsan tacadiyadda ka dhanka ah Soomaalida ayaa hareeyay ciidanka Kenya tan iyo markii ay galeen Soomaaliya 2011-kii.

Xeel-dheereyaasha ayaa ka digaya in hadii ay sii socoto xadgudubyadda ciidamada ay dadka ku riixi karto in ay xagjiroobaan kana cararaan badda.

Qoysaska ayaa codsanaya cadaalad iyo in ciidamadda ka joojiyaan ku tumashadda xuquuqdooda muwaadinimo.

Ciidamadda Kenya ayaa dhowr jeer beeniyay in ay qalad sameeyeen, waxayna diideen in uu xiriir ka dhaxeeyo ficiladooda iyo xagjirnimada.

Kutulo ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay sanad walba ka qorato dhalinyaro badan tan iyo markii ciidamadu qabteen Aws Mudul, macalin dugsi Qur'aan, kaasoo meydkiisa laga helay meel duur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM