Uganda: Hubka oo la mamnuucay kahor shir madaxeed caalami ah

Image
Shirkadaha ammaanka ee gaarka loo leeyahay ayay kaliya xayiraadan saameynaysaa.

KAMPALA, Uganda - Ilaalada gaarka ah ee Uganda ayaa laga mamnuucay inay hub qaataan ilaa inta uu ka dhamaanayo shir madaxeedka caalamiga ah ee muhiimka ah ee ka furmaya caasimadda Kampala.

In ka badan 4,000 oo ergo ah, oo uu ku jiro Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo madax kale, ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka 19-aad ee Dalalka Dhexdhexaadka ah.

Shir-madaxeedka ayaa socon doona muddo sagaal maalmood ah.

Dhammaan shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ayaa lagu wargeliyay in shir madaxeedka dartiis aan la ogolaan doonin dhaqdhaqaaqa ilaalada gaarka ah ee wata hubka ilaa dhammaadka bisha.

Agaasimaha bilayska ee u xilsaaran hawlgallada John Nuwagira ayaa u sheegay shirkadaha ammaanka ee gaarka loo leeyahay inay ula dhaqmaan awaamiirta "degdegga iyo adkaynta aad u baahan tihiin xaaladdu".

Nuwagira oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in si weyn loo adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha, goobaha shirarka iyo hoteelada magaalada Kampala.

Afhayeenka booliiska Uganda, Fred Enanga oo kasoo hor-muuqdey saxaafadda, ayaa sheegay in sidoo kale la kordhiyay tillaabooyinka looga hortagayo argagixisada.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa la wareegi doona hoggaanka Dalalka Dhexdhexaadka ah isaga oo badalaya Madaxweynaha Asarbayjaan kaasoo lagu magacaabo Ilham Aliyev.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM