Uganda oo askar howlgab ah u soo daabuleysa Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Taliska milatariga Uganda ayaa Arbacadii dib ugu yeeray 2,700 oo kamid ah askarta howlgabka dalkaas si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Charles Otema, taliyaha ciidamada keydka wadankan dhaca Geeska Afrika, ayaa war qoraal ah ku sheegay in cutubyada la faray in ay kusoo xaroodaan ugu dambeyn Isniinta todobaadka soo aadan.

"Cabqariyadda la wargeliyey waxay ku biiri doonan howlgalada guutooyinka 31aad iyo 32aad ee Ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee taliska AMISOM," ayuu raaciyey.

Otema ayaa xusay askarta howlgabka noqotay ee dib loogu yeeray ay yihiin kuwa haysta darajada Gaashaanle iyo wixii ka hooseeya.

"Shuruudaha laga rabo waa in ay 55-jir yihiin ama waxa ka hooseeyaa, in aysan gelin fal-dambiyeed. Murashaxiinta waxaa la marsiinayaa tijaabo caafimaad, mid jireed iyo mid mas-kaxeed," ayuu tibaaxay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo howlgab ah ay Uganda u soo dirto Soomaaliya si ay nabadeynta uga qeyb-qaataan.

Sidda laga soo xigtay Otema, 2012-kii, howlgaladii lagu xoreeyay waqoyga Muqdisho waxaa kaalin ku lahaa askar howlgab ah.

Sikastaba, Uganda oo kamid ah dowladaha ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ayaa marka laga hadlo dhanka ciidanka milatariga waxaa ku wehliya dalalka; Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Burundi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM