Uganda oo diiwaan-gelisay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus

Image

KAMPALA, Uganda – Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa ku dhawaaqdey in dalkaas laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus.

Muwaadin ka yimid Dubai ayay xustey in uu la nool yahay caabuqaas. Shaqsigaas wuxuu Imaaraadka Carabta u aadey arrimo ganacsi.

Rakaabkii la socday diyaaraddii ruuxaas wadday ayay tilmaamtay in la marsiin doono baaritaano kale oo dheeraad ah.

Sidoo kale, waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in la hubin doono dhamaan rakaabkii la socday diyaaraddii uu markii hore raacay.

Intaas waxaa wehlisa in ay sheegtay in ay baareyso muwaadiniintii dalkaas ka baxay wixii ka dambeeyay taariikhda uu qofkaas safray.

Bukaanka laga helay cudurka ayaa Uganda ka baxay 17-kii Maaj, afar maalmood kadib, 21-ka isla bishaan ayuu ku laabtay waddankaas.

"Wasaaraddu waxay sidoo kale baadigoobeysaa dhamaan dadkii xiriirka la sameeyay [bukaanka]," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhanka kale, Eritrea iyo Angola ee isla qaarada Afrika ayaa isla maanta waxay ku dhawaaqeen kiisaskii ugu horeeyay ee COVID-19.

Uganda ayaa kamid ah wadamada ku yaala qaarada Afrika oo ay Soomaalidu ku badan tahay, kuwaas oo haatan walaac ay soo foodsaartey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM