Uganda oo diyaarado nooca dagaalka ah u soo direysa Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Milatariga Uganda ayaa Talaadadii wuxuu ku dhawaaqay in uu diyaarado nooca dagaalka ah u soo daabulayo Soomaaliya si ay u taageeraan howlgalada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

Richard Karemire, afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, ayaa tilmaamay in diyaaradahaan ay yihiin kuwa casri ah isla markaana ay bilooyinka soo aadan u soo dirayaan waddanka dhaca Geeska Afrika.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in uu carabaabo tiradooda ayaa rajo fiican ka muujiyey in talaabadan cusub ay dhabaha u xaarto in laga adkaado maleyshiyada Al-Shabaab, nabadna kusoo dabaasho wadanka.

Mr Karemire oo aan kala caddeyn hadii daabulitaankan ay qayb ka tahay mar-xalada kala guurka maadaama sanadka dambe ay dalka ka baxayaan ayaa qiray in ay wehlin doonan duuliyeyaal Yugaandhees ah.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku dhawaaqeyno in aan diyaarad dagaal u direyno Soomaaliya si ay u taageeraan howlgalada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika, kuwaas oo lagu xaqiijinayo xasiloonida dalka laguna dagaalamayo cadowga argagixisada," ayuu yiri.

Howlgalka AMISOM oo dalka ku sugan tan iyo 2007-dii ayaa ka kooban ciidamada dalalka; Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyoDjibouti, waxaana ay joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Uganda oo kamid ah wadamadii ugu horeeyay ee howlgalkaan lagu yagleelay waxay ku leedahay askar tiradoodu gaareyso lix kun.

AMISOM ayaa isku diyaarineysa in ay sugto ammaanka doorashooyinka loo qorsheeyay 2020-21, wallow aan wali laga heshiin nooca lagu galayo, waxaana hogaankoodu lagu eedeeyay in ay dowlada la safteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM