Halis kusoo fool leh Soomaaliya oo laga qaylo-dhaamiyey

Image

KAMPALA, Uganda – Dowladda Uganda ayaa walaac ka muujisay qorshaha uu Mareykanka doonayao in ciidanka ka jooga Soomaaliya ugu wareejiyo wadamadda Jabuuti iyo Kenya horaanta sanadka 2021-ka.

Mr Henry Okello Oryem, oo ah wasiiru dowlaha Waaxda arrimaha dibadda Uganda, ayaa sheegay in "nasiib darro" ay tahy in askarta Ameerikaanka ay ka hayaamayaan Soomaaliya "waqti aad xasaasi u ah".

"Waxay xaalad khatar ah gelineysaa ciidankeena maxaa yeelay waxay baxayaan isla waqtiga ay hoos loo dhigayo askarta AMISOM," ayuu yiri, sidda uu kasoo xigtay Wargeyska Maxaliga ah ee Daily Monitor.

Uganda ayaa kamid ah wadamadda ciidamadda ka joogaan Soomaaliya si gaar ah howlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM.

Flavia Byekwaso, afhayeenka ciidamadda Uganda, ayaa rumeysan in bixitaanka ciidamadda Mareykanka ay "abuureyso firaaq nabad-gelyo".

"Waa nasiib darro in lala soo degdegay balse wax badan kama oran karno. Bixitaankooda waxay si wax ku ool ah u saameyn doontaa la dagaalanka argagixisada balse Midowga Afrika waa in uu buuxiyaa doorkaas," ayuu u sheegay jariiradda Daily Monitor.

Byekwaso ayaa tibaaxay in ciidamadda AMISOM ee ka kooban Uganda, Kenya, Burundi, Djibouti iyo Ethiopia ay u baahan yihiin in ay buuxiyaan booska ay faarujinayaan dhigooda Ameerikaanka ah.

"Dhowaan waxaan arki karnaa ciidanka oo bilaabaya in ay ka dhaqaaqaan boosaska ay hadda joogaan si ay u buuxiyaan firaaq ay baneeyeen askarta Ameerikaanka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Uganda ayaa ah waddanka ugu badan ee ciidamadda ku tabarucay howlgalka AMISOM, iyadda oo kaliya gobolka Banaadir oo ay ku taalo magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ay ka joogaan 6,000 askar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM