Uganda oo xabsi dhigtay kalluumeysato Kenyan ah

Image

NAIROBI, Kenya – Mas’uuliyiinta waddanka Uganda ayaa xabsi dhigay 30 kalluumeysato Kenyan ah, sidda ay sheegeyso warbaahinta maxaliga ah.

Xukuumadda Kampala ayaa ku eedeysay kalluumeysatada in ay ogolaansho la’aan galeen harada Lake Victoria, kadibna ay si sharci darro ah uga jallaabanayeen kalluunka.

Kalluumeysatada oo siyaabo kala duwan loo qabqabtay ayaa lagala wareegay; tobban doon, qalabka jilaabashada iyo kalluun.

Dhanka kale, saraakiil u hadashay Kenya ayaa cambaareeyay falkaasi, waxayna codsadeen in xorriyadooda loosoo celiyo muruq-maalkaasi la xiray.

Falkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo isbuucii hore sidan oo kale ay Uganda xirtay saddex kalluumeysato Kenyan ah.

Shaqsiyaadkaasi ayaa lasii daayay maalmo kadib markii laga qaadey ku dhowaad saddex boqol oo dollar-ka Mareykanka ah oo ganaax ahaan loogu xukumay.

Kenya iyo Uganda oo wadaaga xuduud ayaa shacabka labadda waddan waxay mararka qaar dhibane u noqdaan culeysyada siyaasadeed ee wadamadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM