Uganda oo xabsi dhigtay kalluumeysato Kenyan ah

Image

NAIROBI, Kenya – Mas’uuliyiinta waddanka Uganda ayaa xabsi dhigay 30 kalluumeysato Kenyan ah, sidda ay sheegeyso warbaahinta maxaliga ah.

Xukuumadda Kampala ayaa ku eedeysay kalluumeysatada in ay ogolaansho la’aan galeen harada Lake Victoria, kadibna ay si sharci darro ah uga jallaabanayeen kalluunka.

Kalluumeysatada oo siyaabo kala duwan loo qabqabtay ayaa lagala wareegay; tobban doon, qalabka jilaabashada iyo kalluun.

Dhanka kale, saraakiil u hadashay Kenya ayaa cambaareeyay falkaasi, waxayna codsadeen in xorriyadooda loosoo celiyo muruq-maalkaasi la xiray.

Falkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo isbuucii hore sidan oo kale ay Uganda xirtay saddex kalluumeysato Kenyan ah.

Shaqsiyaadkaasi ayaa lasii daayay maalmo kadib markii laga qaadey ku dhowaad saddex boqol oo dollar-ka Mareykanka ah oo ganaax ahaan loogu xukumay.

Kenya iyo Uganda oo wadaaga xuduud ayaa shacabka labadda waddan waxay mararka qaar dhibane u noqdaan culeysyada siyaasadeed ee wadamadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM

Museveni: Uganda waa dal aan badda lahayn, laakiin baddaydu waa xaggee?  

Khubarada siyaasadda ayaa digay in hadalada Museveni xitaa haddii ay tusaale yihiin ay dhaawici karaan xiriirka muddo dheer.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 12:22PM