Uganda: Taliye ka howlgalay Soomaaliya oo la dilay

Image

KAMPALA, Uganda – Milatariga iyo booliska Uganda ayaa sheegay in ay goobayaan gacan-ku-dhiigleyaashii ka dambeeyay dilka Gaashaanla Sare Noel Mwesigye, taliyihii hore ee Kumaadooska sidda gaarka ah u tababaran kaasoo habeenimadii Axada lagu googtey Luweero.

Afhayeenka mlatariga, Flavia Byekwaso, ayaa sheegtay in gacan-ku-dhiigleyaasha ay dileen Mwesigye xilli uu sii dayey hoygiisa xaafada Kikyusa ee degmada Luweero ayna horey u qaateen bastooladiisa.

"Illaa haatan waxba ma jiraan, balse waxaan wali wadnaa baaritaan," ayay tahay haweenaydan warbaahinta maxaliga u warantay.

Wargeyska Daily Monitor ayaa wariyey in Mwesigye uu iska caabiyey dableyda kahor inta aysan caloosha iyo lugta ka toogan.

Dadka degaanka ayaa dhaawac ahaan ugu qaadey xarunta caafimaad ee Holy Cross Health Centre oo ku taala Kikyusa Town, balse wuxuu geeriyooday isla markii ay ku guuleysteen in ay goobta tagaan.

Mwesigye, oo tababare ka ahaa Dugsiga Tababarka ee Jinja Junior Staff College, ayaa in ka badan 20-sano ahaa ilaaliye madaxtooyo.

Markii Korneyl laga dalacsiiyey lagana dhigay Laba-xidigle, wuxuu dajarada Gaashaanle ku noqdey Taliyaha ciidanka gaarka ah.

Sanadkii 2014-kii, Soomaaliya ayaa loosoo diray si uu u hogaamiyo ciidamadda Midowga Afrika ee la dagaalamaya ururka Al-Shabaab.

Balse, 2015-kii, Mwesigye iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamadda difaaca Uganda waxaa laga saarey Soomaaliya kadib markii Al-Shabaab ay 19 askari Ugandes ah ku dishay weerar ka dhacay Janaale.

Weerarkaas wuxuu ahaa dhacdadii ugu xumeyd oo Al-Shabaab u geysato ciidamadda Uganda. Maleyshiyada waxay sheegtay in falkaas ay ugu baroor-diiqayeen Amiirkooda Axmed Cabdi Godane, kaasoo ciidamadda Mareykanka ay khaarijiyeen sanadkii kasii horeeyay ee 2014-kii.

Ku dhowaad afar sano, Maj Mwesigye wuxuu ahaa howlgab illaa sanadkii hore uu tababare ka noqdey Dugsiga Jinja, waana xilka kaliya ee uu haayey illaa markii lasoo wariyey geeridiisa habeenimadii Axada.

Illo wareedyo ayaa u sheegay wargeyska Daily Monitor in dableyda ay mooto ku yimaadeen goobta falku ka dhacey isla markaana ay horey u dhaceen mehrado kale oo ka akdhowaa xaafadaha degmaddaas.

Mas'uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gaashaanlaha, waxaana ay wanaag iyo bedel wanaagsan u rajeeyeen xaaska, caruurta, qoyska iyo asxaabta Gaashaanla Sare Noel Mwesigye kaasoo ay ku sifeeyeen "shaqsi wanaag badnaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Kenya oo u goodisay dhakhaatiir ku dhawaaqay shaqo joojin

Joojinta shaqada ayaa curyaamisay adeegyadii caafimaadka ee isbitaallada guud ee dalka.

  • Afrika

    25-04-2024

  • 03:45AM

Dad ay caruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Dhacdadan foosha xun ayaa noqonaysa musiibadii labaad ee noocaan ah muddo laba toddobaad gudahood ah.

  • Afrika

    24-04-2024

  • 05:35AM