Uhuru Kenyatta: Soomaaliya waa in ay joojisaa falal ka careysiinaya Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay "in ay si joogto ah" ugu soo xadgudubto dhulka Kenya ayaa kaga digay talaabooyinka "ka careysiinaa dalkiisa".

Hadalkaan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda kadib shirka Golaha Amniga Qaranka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay ku dagaalameen dhulka Kenya, isla markaana taas ay xiisad ku abuurto dadka ku nool degmada Mandera oo bilaabay in ay barakacaan.

Kanze Dena-Moraro, afhayeenka Uhuru, ayaa xustay in Soomaaliya ay "ku tumatay" shuruucda caalamka ee dagaalada milatariga.

Hogaanka fadhiya Villa Soomaaliya ayay ku boorisay in ay la fariistaan madaxda dowlad goboleedyadda si loosoo afjaro khilaafka.

Dhanka kale, waxay soo hadal-qaadey eedeyntii safiirka Soomaaliya ee UN-ka, taasoo ahayd in Kenya ay kusoo xadgudubtay madaxbanaanida dhuleed iyo faragelin ay ku hayso Soomaaliya.

Sheegashadaas ayay ku qeexday mid aan waxba ka jirin oo huwan dano siyaasadeed oo ay soo jeedisay in laga baaqsado.

Ugu dambeyntii, qoraalka iyo shirka Golaha Amniga Qaranka Kenya ayaanan lagu soo hadal-qaadin qadiyadda Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, oo dowladda Soomaaliya ay ugaarsaneyso.

Janan, oo la aaminsan yahay in uu ku sugan yahay gudaha Kenya, ayaa wuxuu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho, halkaasoo loogu xiray eedeymo ku aadan dambiyo culus, wallow uu gaashaanka u daruuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM