Uhuru oo dalab ka dhan ah Al-Shabaab u gudbiyey Mareykanka

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo Arbacada maanta ah ka hadlay madasha Atlantic Council, ayaa ku booriyey Mareykanka in uu Afrika ka taageero "tir-tirka argagixisada".

Uhuru oo booqasho ku jooga Mareykanka ayaa mushkilada Afrika ku tilmaamay "xagjiriin maskaxeed taasoo diidan dimuqraadiyadda".

Xoogaga Al-Shabaab oo uu farta ku fiiqay ayuu caddeeyay "in ay muhiim tahay in sarre loo qaado howlgalada ciidan ee lagu baacsanayo".

"Kooxaha sida Al-Shabaab waa waajib in aan ku burburinayo dedaalada milatari ee ka socda Soomaaliya si fursad loogu helo in miiska looga doodo siyaasad loo-wada-dhan-yahay," ayuu raaciyey.

Ganacsiga sharci-darada ah oo uu carabka ku dhuftay in ay dhaqaale ka helaan argagixisadda ayuu soo jeediyey in si walba loola dagaalamo.

"Dedaaladda lagu wiiqayo maleeyshiyaadka waxaa guul looga gaari karaa iyaddoo meesha laga saaro maalgelinta argagixisada," ayuu tibaaxay hogaamiyaha dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Ugu dambeyntii, Uhuru ayaa ku tartarsiiyey Mareykanka in uu wadamada Afrika hormuud uga dhigo faafinta fekerka dimuqraadiyadda.

"Ulama jeedo in ay ku go'aan qaataan kali-talin, waa in la siiyo fursad ay ku naqshadeeyaan qaabka ay ku faafinayaan dimuqraadiaydda iyagoo ku saleynaya xaqiiqadooda," ayuu kusoo xiray.

Tan iyo 2011-kii xiligaas oo ciidamadeeda ay kamid noqdeen Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, Kenya ayaa weeraro lagu beegsado rayidka iyo ciidamadda kala kulmeysa Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM