DF oo la siiyey talo Al-Shabaab looga curyaamin karo dhaqaalaha

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in kooxaha argagixisadda ah ay saameeyeen xasiloonida gobolka.

"Xagjiriinta, maleeyshiyaadka iyo dambiileyaasha waxay mar sii horeysay saameeyeen midnimada iyo xasiloonida dowladaha Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka," ayuu ka sheegay madasha Atlantic Council.

La dagaalanka musuqmaasuqa ayuu ku sifeeyay xalka kaliya ee kooxaha argagixisada looga hor-istaagi karo in ay helaan dhaqaalaha.

Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayuu kula taliyey in ay diiradda saaraan sidii ay ula diriri lahaayeen wax-is-dabamarinta.

Si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay "ganacsiga sharci daradda ah iyo midka suuqa madow" si lamid ah baayac-mushtarka dadweynaha.

Wallow uusan cid gaar ah magacaabin, Uhuru ayaa sheegay "in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ay tahay natiijo ka dhalatay dagaal wakiileed".

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xoogaga ganansaarka la leh Al-Qaacida ay lacago baad ah ka qaado ganacsatada magaalooyinka.

Kenya ayaa ku jirta dowladaha ay ciidamadda ka joogaan Soomaaliya si gaar ah waxay kamid yihiin Howlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika.

Hadalka Uhuru Kenyatta ayaa imaanaya iyaddoo bilihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab weeraro culus ka fulisay gudaha waddankaas.

Xiriirka u dhaxeeya Muqdisho iyo Nairobi ayaanan wanaagsaneyn, waana mid kamid ah natiijooyinka ka dhashay dacwadda badda ee ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Digniin Ka Soo Saartay Gelitaanka Israa’iil ee Badda Cas iyo Aqoonsiga Somaliland

Ilaa hadda, Israa’iil iyo Maamulka Somaliland midna si rasmi ah ugama hadlin digniinta ay Masar soo saartay.

  • Afrika

    09-02-2026

  • 09:12PM

DEG-DEG: Itoobiya oo Amartay Ciidamada Eritrea inay si degdeg ah uga baxaan dhulkeeda

Ilaa hadda, dowladda Eritrea kama aysan jawaabin eedeymahan cusub ee kaga yimid dhanka Itoobiya.

  • Afrika

    08-02-2026

  • 06:53PM