Uhuru oo lagu booriyey in uu ku daydo talaabo ay qaadey Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta ay Soomaaliya u maxkamadeysay in ay lunsadeen dhaqaalihii xakameynta Covid-19 waa dhambaal uu cashar ka baran karo madaxweynaha Kenya, sidda uu xusay siyaasi u dhashay dalkaas.

John Mututho oo baarlamaanka ku metelay magaalada Naivasha ayaa ku booriyey Uhuru Kenyatta in uu ku daydo talaabadaas isla markaana xaqiijiyo "in dambiileyaasha xaday deeqihii Coronavirus ay wajahaan cadaaladda lana maxkamad lasoo taago".

Axadii ayay ahayd markii Maxkamada Muqdisho ay xukuno xabsi ah una dhaxeeya 18 illaa 3 si lamid ah ganaaxyo lacageed iyo ka reebid xafiis dadweyne ay ku xukuntay afar mas'uul oo ay ku jiraan Agaasimeyaashii Maaliyadda iyo kan guud ee Wasaaradda Caafimaadka.

Xeer-beegtadda ayaa xorriyadooda u celisay shan kale kuwaasoo lagu waayey wax dambi ah, balse xirnaa tan iyo April ee sanadkan 2020.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayey magaaladda Nakuru, siyaasi Mututho ayaa ku tartarsiiyey Dowladiisa Kenya in ay qaado talaabo lamid ah arrintaas soona xirto hogaamiyeyaasha wax-is-dabamarinta.

Mututho ayaa u soo jeediyey xukuumadda Nairobi hadii aysan awood u lahayn in ay baarto qaabka loo musuqmaasuqay hantidaas ay taageero waydiisato dhigeeda Muqdisho si ay u caawiso.

"Soomaaliya waxay na tusisay sidda loo xiro loona maxkamadeeyo dadka musuqmaasuqa ee xaday dhaqaalaha Covid-19. Madaxweyaha waa in uu hadlaa oo uu ka codsadaa Soomaaliya kaalmo ku saabsan arrintaan. Mudane madaxweyne, waanu og-nahay in aadan halkaan iska joogin, waxaad u joogtaa dadka Kenya, hadda waa in aad la hadashaa madaxweynaha Soomaaliya si uu kaaga caawiyo arrintaan," ayuu yiri.

Doodaha ugu waaweyn ee ka jira gudaha Kenya waxaa kamid ah in ay jiraan mas'uuliyiin sar-sarre oo ku tagrifalay dhaqaalihii loo qoon-deeyay la tacaalida xanuunka aysana jirin cid loo xiray.

"Hay'addaheena waxay ku fashilmeen in ay baaraan ama soo xiraan dambiileyaasha, tanina waa sababta aan u sheegeyno in aan u baahan tahay taageero aan ka helno Soomaaliya oo na tusisay tusaale wanaagsan oo lagula macaamili karo tuugada deeqaha Covid-19," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay John Mututho oo saxaafada la hadlay.

'Soo xir tuugada tabarucaada Covid-19' waa hadalheynta ugu badan ee baraha bulshadda Kenya, oo laga diiwaan-geliyey kiisas Covid-19 oo gaaraya 32,803, halka dhimashadduna la xaqiijiyey 559; soo kabashaduna waa 19,055.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

  • Afrika

    02-05-2024

  • 05:39AM

Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:45AM