Uhuru oo shaaciyey goorta ay ciidanka Kenya ka baxayaan Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaadey in ay ciidamadooda ka bixi doonan Soomaaliya marka la wiiqo AlShabaab.

Xoogaga Kenya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaa waxay dalka kaga sugan yihiin gobolada Jubooyinka oo ay soo galeen sanadkii 2011-kii.

"Kaliya hadafkeenu ma ahan in aan xasilino dal deris nala ah, waa in aan ilaalino taariikhdeena," ayuu ku daray. "Illaa iyo laga wiiqayo kama bixi doono".

Sidda laga soo xigtay warbixin dhowaan soo baxday, ku dhowaad laba kun oo askar ayaa AMISOM looga dilay Soomaaliya tan iyo 2007-dii.

"Sidoo kale, waxay na siineysaa in aan dalkeena ka difaacno weerarada kooxaha argagixisadda ah," ayuu hoosta ka xariiqay Kenyatta.

Dhinaca kale, hogaamiyaha Kenya ayaa soo bandhigay in waddankiisa uu xoojinayo dedaalada uu ku bixinayo xasiloonida gobolka.

"Howlgalada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale dooneynaa in aan kaalin firfircoon ku yeelano," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, waxa uu ku nuux-nuux saday in muhiim tahay ka wada shaqeynta sidii Geeska Afrika u noqon lahayd meel ka caagan argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM