Uhuru oo shaaciyey goorta ay ciidanka Kenya ka baxayaan Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaadey in ay ciidamadooda ka bixi doonan Soomaaliya marka la wiiqo AlShabaab.

Xoogaga Kenya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaa waxay dalka kaga sugan yihiin gobolada Jubooyinka oo ay soo galeen sanadkii 2011-kii.

"Kaliya hadafkeenu ma ahan in aan xasilino dal deris nala ah, waa in aan ilaalino taariikhdeena," ayuu ku daray. "Illaa iyo laga wiiqayo kama bixi doono".

Sidda laga soo xigtay warbixin dhowaan soo baxday, ku dhowaad laba kun oo askar ayaa AMISOM looga dilay Soomaaliya tan iyo 2007-dii.

"Sidoo kale, waxay na siineysaa in aan dalkeena ka difaacno weerarada kooxaha argagixisadda ah," ayuu hoosta ka xariiqay Kenyatta.

Dhinaca kale, hogaamiyaha Kenya ayaa soo bandhigay in waddankiisa uu xoojinayo dedaalada uu ku bixinayo xasiloonida gobolka.

"Howlgalada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale dooneynaa in aan kaalin firfircoon ku yeelano," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, waxa uu ku nuux-nuux saday in muhiim tahay ka wada shaqeynta sidii Geeska Afrika u noqon lahayd meel ka caagan argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM