UN: Abiy wuxuu hurinayaa xasilooni darada dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Bilooyin kadib ku guuleysigiisa Nobel Peace Prize, ra'iisul wasaaraha isbedelka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa haatan la tacaalaya eedeymo la xiriira farogelinta arrimaha gudaha ee dalalka deriska.

Bishaan November, laba warbixin oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay in maamulkiisa holac kusii shidayo dedaalada nabadda ee Suudaanta Koonfureed iyo xasilooni darada Soomaaliya.

Hogaamiyeyaasha labadan waddan ayaa xiriir dhow la leh gudoomiyihii hore ee urur goboleedka IGAD.

Suudaanta Koonfureed, halkaas oo IGAD ay heshiis nabadeed ka dhalisay bishii September, dowladda Abiy, Uganda iyo Kenya waxay si wadajir ah ugu eedeysan yihiin in ay curyaaminayaan dhaqan-gelinta Axdigaas.

Jimcadii, safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya, Meles Alem, ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in eedeymaha ay yihiin waxbo kama jiraan.

"Mid kamid ah tiirarka siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya waa in aysan gacma gacmeyn siyaasadaha arrimaha gudaha ee dowladdaha. Taasina waa iskoorkeena," ayuu yiri xili uu wareysi bixinayey.

Meles Alem ayaa wuxuu raaciyey hadalkiisa: "Deris wanaagsan ahaan, waxaan kaliya cayaarnaa door ah mid dhismo".

Eedeymaha ka dhanka ah Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ayaa soo bilowday bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay 2018-ka.

Guddiga Khubarada UN-ka ee Soomaaliya ayaa warbixintooda 2019-ka ku sheegay in Itoobiya ay farogelisay doorashadii Koonfur Galbeed, oo Mukhtaar Roobow, laga mamnuucay tartanka.

Sidda laga soo xigtay guddiga, marka dadka degaanka Koonfur Galbeed banaanbaxeen, ciidamada daayacadda u ah Roobow ayaa la dagaalamay xoogaga Itoobiya taas oo keentay dhimasho badan.

"Doorka ciidamadda Itoobiya ee xarigii Roobow ayaa sarre u qaadey caadifada liddiga ku ah Itoobiyaanka ee bulshadda gobolka ku sugan, kuwaas oo xogta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab la wadaagay iyaga".

Waqti xaadirkaan la joogo waxay farogelin ba'an ka wadaan Galmudug iyo Jubaland. Si gaar ah, gobolka Gedo waxay ka damacsan yihiin in ay ka hirgeliyaan maamul sharci darro ah iyaga oo fulinaya dalabka Villa Soomaaliya.

Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya oo Jimcadii warqad furan u diray xafiiska Abiy ayaa waxay ka codsadeen in uu xaaladaha jira ku lifaaqo sawirka cusub ee Itoobiya.

Eedeymaha Abiy Axmed ayaa ugu yaraan hoos u dhigi kara sumcada wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa, waase hadii uu qaado talaabooyin degdeg ah oo uu wax kaga qabanaayo arrimaha taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM