UN-ka oo beeniyey sheegasho ka timid Kenya oo ku saabsan kiiska badda

Image

NAIROBI, Kenya – Isqabqabsiga xuduud badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa saameyn tabban ku yeelan kara dowladda federaalka Soomaaliya, sidaas waxaa ka digtay warbixinta Guddiga Khubarada UN-ka.

Iyadda oo xiisada ay sanado sii jiitameysay, waxay cirka isku sii shareertay bishii Maaj 2019, markii dowladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum Geo ay qabteen Shirka Shidaalka Soomaaliya ee London.

Shirkaas ayaa ujeedkiisu ahaa in lasoo bandhigo natiijada baaritaano 2016-kii laga sameeyay Saliida Soomaaliya. Hase ahaatee, xukuumadda Nairobi oo ku doodey in uu xaraash ahaa ayaa eriday safiirka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay Kenya ku dacweysay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ 2014-kii kadib markii Nairobi ku hafatay wada hadalo ay albaabadda u furtay Muqdisho oo ku aadan kiiska.

Guddiga khubaradda ayaa, sikastaba, ku adkeystay in shirkii London ay marin-habaabisay Kenya isla markaana uusan quseyn wax xirmooyin shidaal oo ku jira Badweynta Hindiya iyo meesha laysku haysto.

"Shirka, sikastaba, wuxuu diiradda saarayey soo bandhiga xirmooyin aanan la xiriirin goobta laysku haysto, ma ahayn xaraashid ama dalab u raadinta xirmooyin la xiriira meesha muranka ka jiro," ayaa lagu yiri warbixinta.

Xeel-dheereyaasha UN-ka ayaa ka digay in muranka badda uu xasilooni darro ka abuuro Soomaaliya hadii aan si taxadar leh loo wajihin, iyaga oo ku doodey in uu kordhin karo weerarada Al-Shabaab ee dowladda.

Intaas waxaa wehlisa in nuqdeeyeyaasha ay tibaaxeen in muranka uu xoojin karo xiisadaha ka dhex-jira ciidanka AMISOM oo Kenya ay qayb a tahay. Kenya ayaa afar kun oo askar ay ka joogaan gudaha Soomaaliya.

"Muranka socda wuxuu karaarsiin karaa xiisada Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliya, taas oo fursad u abuureysa Al-Shabaab, si lamida waxay kala qaybineysaa Kenya iyo dalalka ciidanka ku taageera AMISOM".

Warbixinta ayaa sheegeysa in xiriir wanaagsan oo dhexmara labada dal ay muhiim u tahay amniga gobolka gaar ahaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo howlgalada ka fulisa xadka labada dhinac.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa muddeysay in gal-dacwadeedka ay dhageysan doonto bisha June ee 2020-ka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in kiiska "ku haboon yahay" in labada dal ka wada hadlaan. Hase ahaatee, dhigiisa Soomaaliya ee Maxamed Farmaajo ayaa ku adkeystay "waxaan ku kalsoon yahay ICJ".

Kamau Macharia, xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa BBC-da u sheegay "Kenya wax dhibaato ah kuma qabto Soomaalida, balse waa hogaanka [dowladda Farmaajo".

Soomaaliya ayaa la gashay Shell and Exxon Mobil heshiis ku kacaya 1.7 milyan oo Doollar, kaas oo shirkaddaha u ogolaanaya in ay dalka ka howlgalaan 30-sano.

Xukuumada gaar ahaan Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa carabka ku adkeeyay in xirmooyinka shidaalka laga soo saarayo aysan ahayn kuwa ay muranka gelisay dowladda Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM