UN-ka oo ka digay in colaada gobolka Tigray ay sababto dambiyo dagaal

Image

WASHINGTON, US – Dagaalka u dhaxeeya ciidamadda dowladda Itoobiya iyo hogaanka falaagadda waqooyi waa mid faraha kasii bixi kara taasoo sababi karta dambiyo dagaal, sidda ay maanta sheegtay Qaramadda Midoobay.

Digniinta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa timid xilli laga cabsi qabo in colaadda kusii faafto gobolka aadka u jilicsan ee Geeska Afrika.

Michelle Bachelet, wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ayaa dhinacyadda ugu baaqay in ay is-xakameeyaan.

"Waxaa halis ah in xaalada ay faraha kasii baxdo taasoo sababi karta khasaaro xoogan iyo burbur si lamid ah barakac baahsan oo Itoobiya dhexdeeda iyo xuduudaheeda," ayay Bachelet tiri, sidda afhayeenkeedu sheegay.

Madxweynihii hore ee waddanka Chile oo 69-jir ah ayaa ku dartey: "Xasuuqa shacab ee Amnesty International soo warisay, hadii la xaqiijiyo in loo geystay colaada darteeda, waxaa loo xisaabin doonaa dambiyo dagaal".

Boqolaal ayaa la wariyey in lagu dilay, halka kumanaan kale ay u bakaraceen dalka deriska lah ee Sudan tan iyo markii colaada Tigray ay qaraxdey 10 maalin kahor. Illaa haatan, ma muuqato saan-saan uu ku hakanayo dagaalka.

Dagaalkan ayaa sidoo kale wuxuu galaafan karaa sumcada uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ku hantay Abaalmarinta Nabadda Aduunka 2018-kii ka gedaal markii uu soo gabagabeeyay colaadiisa wadankiisa kala dhaxeysay Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM