Qaabka ay Al-Shabaab 50-kun oo Dollar ugu adeegsatay weerarkii Dusit

Image

NAIROBI, Kenya – Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida bilooyin ayey ku qaadatay abaabulka duulaankii huteelka Dusit D2, xaafada Westlands ee Nairobi, warbixintii Guddiga Khubarada UN-ka ayaa sidaas lagu yiri.

Ugu yaraan 26 ayaa lagu dilay howlgalkaas dhiilada badnaa kaasoo laamaha ammaanka Kenya ay ku qaadatay lix saacadood in xaalada huteelka ay kusoo celiyaan mid caadi ah.

Inta uu howlgalku socday, saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ayaa toogtay afar dabley kadib iska hor-imaad culus. Dagaalamaha shanaad ayaa is-qarxiyey kahor inta uusan bilaabay weerarka.

Warbixinta, oo Isniintii soo baxday, ayaa shaaca ka qaadey in istaraatiijiyada cusub ee Al-Shabaab ee maalgelinta malaayiin ay ku qoraneyso xubno cusub ay si isku xig-xigta ugu adeegsato qaadidada weerarada.

Weerarkii Dusit D2, qormadda ayaa tilmaamay in ku dhowaad 50-kun oo Doollar lagu maalgeliyey howlgalkaas. Lacagtaan ayaa lasoo wariyey xiriir soo maray dhanka ismaamul goboleedka Mandera.

"Qiyaasta wadarta guud ee qiimaha howlgalkii DusitD2 waxay u dhaxeysaa 45-kun illaa iyo 50-kun oo Doollarka Mareykanka," ayay sheegeen khubarada.

Guddiga ayaa tilmaamay in kooxdu marka ay qoraneyso xubnaha ay tixgelin siiso dambiileyaasha duufsan kara shabakadaha ammaanka Kenya sidda Salim Ali Gichunge, taliyihii weerarkii dhacay bishii July.

"Haysashada xirfadaha dambiyada, oo ay ku jiraan aqoonta ka baxsiga sharci fulinta, ayay mudnaanta siiyaan ama ku xirnaanshaha Masaajidyada qaarkood ama shabakadaha Diinta," ayaa caddeeyay warbixinta.

Gichunge, oo ku geeriyooday weerarka, ayaa waxaa dhalay sarkaal sarre oo ka tirsanaa ciidamadda difaaca Kenya. Ururka ayaa isaga guri uga kireeyay duleedka Nairobi, halkaas oo uu maalmo ku abaabulayey weerarka.

Sidda laga soo xigtay xeel-dheereyaasha, Al-Shabaab ayaa aad ugu dhowaatay isaga si uu u hogaamiyo weerarka si lamid ah xeeladaha howlgaladooda Soomaaliya oo ay u rareen dhulka Kenya.

"Aad ayay u adag tahay in dagaalame Kenyan ah lagu dhex-arko Al-Shabaab," ayay xustay wrbixinta. "Gichunge waxaa la siiyey madax banaani iyo ikhtiyaar balaaran si uu u abaabulo weerarka iyo bartilmaameedka".

Cusmaan Ibraahim Geedi, oo weerarka lagu dilay, ayaa loo arkaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee ku xirnaa Mr Guchunge, intii ay socotay isku dabaridka gulufka.

Weerarka oo dhismaha huteelka ka bilowday galabnimo gaar ahaan saddexda ayaa waxaa isku qarxiyey Mahir Khalid Riziki, kaasoo ku dhashay Mombasa.

Siyaad Cumar Cabdi, Soomaali 1992-dii ku dhashay xeradda qaxootiga Dhabab, ayaa kamid ahaa dableyda u daatay huteelka. Warbixinta waxay tilmaameysaa in Cabdi uu deganaa xerada qaxootiga muddo sanado ah.

Kenya ayaa inta badan xerada Dhabaab u aqoonsan meel lagu quudiyo argagixisada. Walaaca waxay u gidbisay Qaramada Midoobay. Balse, Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa way diidey sheegashooyinkaas.

Cabdi Cali Maxamed, Kenyan degan Mandera, ayaa kaalin ayuu lahaa. Ninkaan wuxuu adeegsaday saddex telefoon si uu Gichunge ugu diro todoba boqol oo Dollar isaga oo adeegsanaya M-Pesa, sida warbixintu tibaaxday.

Duulaankii huteelka DusitD2 wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay ee caasimada Kenya ka dhaca muddo sanado ah kadib. Al-Shabaab waxay 2014-kii beegsatay suuqa ganacsiga Westgate, oo dhowr mitir u jira Dusit D2.

Weerarka ayaa banaanka soo dhigay furfurnaanta ammaan ee xuduudka Soomaaliya-Kenya, halkaas oo argagixisada badanaa isticmaalaan marka ay weeraro ka fulinayaan gudaha waddanka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa gobolka Waqooyi Bari ku qaadey olole balaaran oo ka dhan ah xagjirnimadda, talaabo uu damacsanaa in looga hortago qorashada Al-Shabaab ee xubno cusub.

Dalabyo ka imaanaya qayb kamid ah siyaasiyiinta Kenya ayaa jira kaas oo ah in ciidanka KDF laga soo saaro Soomaaliya isla markaana fariisimo looga sameeyo baraha ku dhow sohdinta.

Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen ka ganaciga dhuxusha oo dakhli badan ay ka heli jireen ugana aag-bedesheen nidaamkooda mooryaanimada ee ka uruurinta ganacsatada lacago baad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM