Vladimir Putin oo balanqaad u sameeyay ciidamadda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in uu Kenya ka caawinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta iyo agabka ciidanka.

Yaboohan ayaa yimid markii intii uu socday Shirka Russia-Afrika ay Moscow kuwada kulmeen dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Putin oo hogaamiyeyaasha Afrika siyaabo kala duwan u qaabilay ayaa xusay in ay xukuumadiisa sarre u qaadeyso maalgeshiga iyo ganacsiga Afrika.

Moscow ayaa sidoo kale waxay ku dhawaaqday in ay cafisay malaayiin Doollar oo ay ku lahayd qaaradda, taas oo qeyb ka ah qorshaheeda cusub.

Macharia Kamau, xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa dhowaan xusay in ay qorsheynayaan saxiixa heshiisyo cusub.

Qandaraasyadda ayaa ku saabsan dhinacyo kala duwan sida farsamada, dhaqaalahaa, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Injineeriyada hawada.

Kenya ayaa kalyeenti fiican ka ah iibsashada hubka Ruushka iyadda oo ku bedelata dhoofinta caleenta shaaxa oo beeraha dalkan caan ku yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM