Wadahadaladda biyo-xireenka la isku haysto ee Nile oo dib u furmaya

Image

KHARTUUM, Sudan – Suudaan ayaa sheegtay in Khamiista ay bilaaban doonan wadahadalo saddex geesood ah oo ku saabsan muranka biyo xireenka webiga Nile kaasoo madaxweyne Donald Trump uu ka digay in uu dagaal sababi karo.

Wasiirada Waraabka iyo Arrimaha Dibadda dalalkan ayaa isugu imaanaya kulan uu Midowga Afrika gudoominayo kaasoo ku qabsoomaya aalada fogaan araga ah, sidda uu Talaadada maanta ah shaaciyey wasiirka arrimaha dibada Sudan.

Muddo saddex bilood ah ayay hakad ku jiraan wadaxaajoodyada khuseeya mashruucaan ay Itoobiya ku bixineyso 4.6 bilyan oo Doolarka Mareykanka.

Shaacintan ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib Itoobiya ay si xoogan uga banaanbaxdey hadal kasoo yeeray Trump oo ahaa in Masar ay burburin karto biyo-xireenka isagoo Addis Ababa ku eedeyay jebinta heshiis uu agaasimay.

Hadalkaas kadib, dowlada Itoobiya ayaa su'aallo waydiisay danjiraha Mareykanka u fadhiya Addis Ababa, kaasoo ay ka dalbatay sharaxaad dheeraad ah.

Masar ayaa beeraheeda waxay 97 boqolkiiba ay ku tiirsan yihiin biyaha webiga Nile, waxayna ka walaacsan tahay in hadii biyo-xireenkaas la sameeyo ay hoos u dhici doonan saamiga ay ku leedahay, arrintaas oo Itoobiya ay beenisay.

Itoobiya ayaa ka damacsan biyo-xireenkan in ay ka dhaliso koronta ay wada isticmaalaan wadamada dhaca Geeska Afrika; damac ay Khartuum naqdisay.

Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay joojiyey taageerada maaliyadeed ee uu siin jiray Itoobiya, isagoo u cuskaday in ay "qaadatay go'aano hal dhinac ah" markii ay bilowday in ay buuxiso biyo-xireenka oo qeyb ahaan la dhameystiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM