Wadahadalo u bilowday Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyneyaasha Kenya iyo Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Uhuru Kenyatta, ayaa wadahadalo laba geesood ah uga bilowdeen Madaxtooyadda magaalada Nairobi.

Hogaamiyeyaasha maamulka gooni-u-goosadka ah iyo Kenya ayaa waxaa kulamada ku wehliya mas'uuliyiin heer sarre ah kana kala tirsan labadda dhinac.

War-saxaafadeedyo kala duwan oo kasoo baxay labada dhinac ayaa lagu sheegay in kulankan lagu lafaguray arrimo khuseeya danaha ay wadaagaan Nairobi iyo Hargeysa.

"Waxaana la isla meel dhigay in labada wafti ay iskugu yimaadaan kulan labaad maalinta berri oo Salaasa ah taariikhduna tahay 15-ka December 2020, si loo dhammaystiro qodobada labada Madaxweyne ka wada hadleen maanta," ayay tiri Madaxtooyada Somaliland.

Kanze Dena Mararo, afhayeenka Madaxtooyada Kenya, ayaa war qoraal ah uu la wadaagay saxaafadda wuxuu ku sheegay in wafdiga Biixi ay Nairobi joogi doonan saddex casho.

Socdaalka Biixi oo shalay ka duulay Hargeysa ayaa yimid iyadda oo xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya uusan fiicneyn, wallow Somaliland ay xustey in uusan saameyn karin.

Kenya ayaa u muuqata mid xiriir toos ah oo ay la yeelato Somaliland dooneysa in ay uga faa'iideysato cadaadis ay saarto Dowlada Soomaaliya iyo in ay suuq ugu hesho Qaadkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM