Walaalo Kenyan ah oo "ganacsi hub iibin ah la yeeshay Al-Shabaab"
NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala waddanka Mareykanka ayaa laba wiil oo walaalo ah una dhashay Kenya waxaa loo sheegay in xiriir ganacsi oo hub iibin ah ay la yeesheen xoogaga Al-Shabaab.
Baktash Akasha iyo Ibrahim Akasha oo haatan xabsi ku jira ayaa waxaa sidoo kale loo haystaa eedeymo kale oo aad u culus.
Sidda uu qoray wargeyska The Standard, xeer-ileeliye Ameerikaan ah, Geoffrey Berman, ayaa dacwadan u gudbiyey xeer-beegtada, isaga oo fahfaahiyey qaabka.
Walaalahan reer Akasha ayaa haatan qarka u saaran in xabsi daa'in loogu xukumo eedeymo ku aadan dhoofinta maandooriye, qaab sharci darro ah.
Baktash ayaa la tilmaamay in uu qiray in nin u dhashay Talyaaniga oo aanan la magacaabin uu kala shaqeeyay wada xaajoodka Al-Shabaab.
Sidda ku xusan qoraalka loo gudbiyey maxkamadda, wuxuu raaciyey in wada hadaladda oo "aad loo qaban-qaabiyey" ay u kaashadadeen shaqaalo maraakiib.
Dukmiintiyadda xeer-beegtada ay gacanta ku hayso ayaa sidoo kale lagu xusay in mas’uuliyiin dekadeed ay qayb ka qaateen howlgalkaasi.
"Kadib markii heshiiska la gaarey, lacagtana la diray, shaqaale markab xamuul oo kusoo xirtay dekadda Mombasa ayaa gudbiyey hubka," ayuu xusay.
Berman ayaa ku adkeystay in macluumaadka uu soo helay uu kusoo arkay guriga ay walaalahan ka degan yihiin magaaladda xeebta leh ee Mombasa.
"Waxay ka talaabeen xuduudka Soomaaliya iyo Kenya si ay hubka uga soo iibiyaan Al-Shabaab," ayaa lagu yiri warbixinta maxkamadda la siiyey.
Hubka ay beeciyeen oo la sheegay in lagu kala iibsaday qayb ka ahaan guriga Baktash ayaa waxaa kamid ah qoryaha fudud iyo bombaanooyin.
Ugu dambeyntii, waraaqadaha ayaa lagu bidhaamiyey in sirdoonka Mareykanka ay gaartay akhbaartan, ayna dhageysteen wareysi raggan ay ku fahfaahiyeen ganacsiga oo qaab qarsoodi ah looga duubay.
GAROWE ONLINE