Wasiir reer Congo ah oo xabsi loogu taxaabay eedeymo culus

Image

KINSHASA, Congo – Wasiirkii hore ee caafimaadka Congo ayaa waxaa loo xiray eedeymo ku aadan in uu si qaldan u maamulay lacag loogu talogalay in wax looga qabto caabuqa dilaaga ah ee Ebola.

Oly Ilunga oo dusha kala socday olalaha uu dalka kula tacaalayey cudurkan, kaasi oo galaaftay nolosha dad badan, ayaa waxaa shaqadda laga joojiyey July kahor inta aan la eryin.

Horaantii bishan September waxaa su'aallay booliska. Balse wuxuu beeniyay in uu wax qalad ah sameeyay. Mar kale ayaa loo xiray wax uu bileyska ku sheegay "tuhun ku aadan in uu baxsad yahay".

Warbixin kasoo baxday laamaha amniga oo loo diray booliska ayaa waxaa daboolka looga qaadey in sharciga lasoo taagi doono mas'uulkan 16-ka bishan September.

Qareenadiisa oo si ku cel-celis ah u beeniyay in uu dambi leeyahay ayaa hoos u dhigay dalab ku aadan in ay ka jawaaban xariga iyo sida ay u arkaan sheegashadda bileyska.

Beesha Caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha wadankaas ayaa 150 milyan oo dollar ugu deeqday in wax looga qabto caabuqa Ebola, wallow baahi ka badan ay jirto.

Xanuunkan ayaa illaa iyo haatan waxaa u geeriyoodey 2,000 qof oo ruux. Kaliya intii u dhaxeysay 2013-16, waxa uu Galbeedka Afrika ku laayey in ka badan 11,300, waana dhimashadii ugu badneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM