Wasiir si degdeg ah uga tegay masraxa kadib markii lagu ooryey

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirka Cayaaraha, Dhaqanka iyo Hiddaha Kenya, Aamina Maxamed, ayaa Axadii waxaa carqaladeeyay khudbad ay ka jeedisey munaasabad ku qabsoontay Nairobi, xrunta dalkaas.

Marwo Aamina ayaa waxaa lagu khasbey in ay joojiso kalmadeeda kadib markii qaar kamid ah dadkii kasoo qeybgalay munaasabadda ay ku ooryeen isla markaana ay dhageysan waayeen hadalkeeda.

"Waxaan u arkayaa in ay tahay medadaalo, waxaana rajeynayaa in aad mar walba i madaalin doontaan," ayay tiri, sidda ku xusan muuqaal laga baahiyey baraha bulshadda.

Waxay raacisay: "Aad ayaad ugu mahadsan tihiin in aad kaga soo qeybgasheen munaasabadan tiraddan aadka u badan".

"Wax wanaagsan ayaad sameyseen in aad taageerteen munaasabad dhaqameedkan," ayay kusoo gabagabeysay hadalkeeda xili sawaxanka madasha uu sarre ahaa.

Munaasabadda Koroga ayaa waxay Kenyanka ugu dabaaldegaan sarre u qaadida dhaqankooda cuno karinta, waxaana dhacdadaan ay la kulantay Aamina aad u hadalheysa warbaahinta.

Aamina oo horey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa aad loogu ammaanay qaabka wanaagsan oo ay kaga falcelisay oorinta ka qeyb-galeyaasha oo ujeedada keentay aan wali la ogeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM