Wasiir si degdeg ah uga tegay masraxa kadib markii lagu ooryey

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirka Cayaaraha, Dhaqanka iyo Hiddaha Kenya, Aamina Maxamed, ayaa Axadii waxaa carqaladeeyay khudbad ay ka jeedisey munaasabad ku qabsoontay Nairobi, xrunta dalkaas.

Marwo Aamina ayaa waxaa lagu khasbey in ay joojiso kalmadeeda kadib markii qaar kamid ah dadkii kasoo qeybgalay munaasabadda ay ku ooryeen isla markaana ay dhageysan waayeen hadalkeeda.

"Waxaan u arkayaa in ay tahay medadaalo, waxaana rajeynayaa in aad mar walba i madaalin doontaan," ayay tiri, sidda ku xusan muuqaal laga baahiyey baraha bulshadda.

Waxay raacisay: "Aad ayaad ugu mahadsan tihiin in aad kaga soo qeybgasheen munaasabadan tiraddan aadka u badan".

"Wax wanaagsan ayaad sameyseen in aad taageerteen munaasabad dhaqameedkan," ayay kusoo gabagabeysay hadalkeeda xili sawaxanka madasha uu sarre ahaa.

Munaasabadda Koroga ayaa waxay Kenyanka ugu dabaaldegaan sarre u qaadida dhaqankooda cuno karinta, waxaana dhacdadaan ay la kulantay Aamina aad u hadalheysa warbaahinta.

Aamina oo horey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa aad loogu ammaanay qaabka wanaagsan oo ay kaga falcelisay oorinta ka qeyb-galeyaasha oo ujeedada keentay aan wali la ogeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM