Wasiiro si degdeg ah isucasilay kadib fadeexad musuqmaasuq

Image

WINDHOEK, Namibia – Laba kamid ah wasiiradda dalka Namibia ayaa xafiiska baneeyay kadib markii baaritaano la sameeyay lagu soo bandhigay musuqmaasuq iyo laaluush qaadasho.

Bernhard Esau, wasiirka Kalluunka iyo Kheyraadka Badda, iyo Sacky Shanghala, wasiirka cadaaladda ayaa galaafatay baaritaano ay sameeyeen warbaahino isugu jira maxali iyo caalami ah.

Labadda mas'uul ayaa loogu eedeeyay in ay laaluush ka qaateen Samherji, mid kamid ah shirkadaha kalluunka ee ugu weyn Iceland, si ay dib ugu soo celiyaan mashruuc goobaha kalluunka ah.

Madaxtooyadda oo war-saxaafadeed degdeg ah soo saartay kadib fadeexadda ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday in istiqaaladda laga qabtay wasiiradda.

Bayaanka oo saxaafadda lasii siiyey nuqulo kamid ah ayaa waxaa nan lagu caddeynin hadii xubnahaan maxkamad lasoo taagi doono.

Baaritaanka waxaa sameeyay warbaahinada; Al Jazeera, Icelandic State Broadcaster RUV, iyo Icelandic magazine Stundin, kuwaas oo ku saleeyay xogo loo dusiyey.

Macluumaadka ayaa ku saabsan dukumiintiyo ka badan soddon kun, fariin qoraalo iyo waliba macluumaadyo kale oo muhiim u ahaa baaritaankooda.

Barnaamijka ku saabsan baaritaanka wax is-dabamarinta ayaa waxaa lagu wadaa in la baahiyo 1-da bisha soo aadan ee December 2019, waxaana laga daawan doonaa wadamo badan oo dunida ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM