Weerar askar badan lagu laayey oo ka dhacay dalka Mali

Image

BOMAKO, Mali – Shan iyo labaatan askari ayaa la dilay, 60-kelana waa la la'yahay kadib markii dabley loo maleynayo Jihaadiyiin ay beegsadeen labadda saldhig ciidan oo ku yaala bartamaha Mali, sida ay sheegtay dowladda.

Khasaarahan ayaa wuxuu noqonaya midkii ugu badnaa ee xoogaga dalkan ku yaala Galbkeedka qaaradda Afrika kasoo gaara maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadaha Al-Qaacida iyo ururka Dowladda Islaamka.

Xerooyinka la bartilmaameedsaday ayaa waxay ku kala yaaliin tuulooyinka lagu kala magacaabo Boulkessi iyo Mondoro.

"….Dhaawaca waxay gaarayaan afar…waxaan sidoo kale ku waynay saanad ciidan oo culus," ayaa lagu yiri bayaanka oo Talaadadii soo baxay.

Saraakiisha ayaa sheegay in kadib gulufka ay qaadeen howlgalo ay ku beegsadeen goobihii lagaga soo duulay, iyaga oo taageero ka helaya ciidamo Faransiis ah, wallow aysan kala caddeynin hadii ay dabley khaarijiyeen.

Tan iyo sanadkii 2012-kii, dalkan oo 95% dadkiisa ay Muslimiin yihiin ayaa dhexda kaga jira colaad u dhaxeysa qowmiyadaha. Rabshadaha oo dagaalo isku bedelay ayaa u dhaxeeya beeraleyda iyo qowleysatadda xoolaha dhaca.

Kooxaha Jihaad-aloosyaasha ah oo ku milmay qowmiyadaha iska soo horjeeda ee Mali iyo deriskooda ayaa waxay uga dhex-faa’ideysteen in ay ka qortaan dagaalameyaal isla makaana ay kusii fidaan waddanka oo idil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM