Weerar lagu gowracay mas'uuliyiin oo lala xiriiriyey Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Saraakiisha amniga Kenya ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay weerar lagu gowracay laba mas'uul oo Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay tuulada Mbwajumwali ee ismaamulka Lamu.

Maxamed Xaaji Famau iyo kaaliyihiisa Malik Athman ayaa lagu dhex-khaarijiyey xafiiskooda, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay bileyska oo warbaahinta maxaliga ay heshay.

Dabley oo tiradooda lagu sheegay laba kuwaasoo watay dharka ay xirtaan dumarka ayaa la tilmaamay in falkaas ay ka dambeeyeen.

Wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayaa baahiyey in dilka loo adeegsaday Faasas isla markaana la jar-jaray jirka mas'uuliyiinta.

Warbixinta hay'addaha nabad-gelyadda ayaa lagu soo qaadey Qaasim Axmed Cali, oo la sheegay in uu qayb ka ahaa duulaankaas.

"Dadka degaanka ayaa aqoonsaday Qaasim, kaasoo ah nin dhalinyarro ah oo gaaban," ayaa lagu sharaxay fahfaahinta bileyska.

Qaasim oo ay ku raad-joogaan laamaha amniga ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu u baxsaday dhanka Soomaaliya.

Mbwajumwali oo Al-Shabaab ay horey howlgalo uga fulisay ayaa ku dhow sohdinta ay wadaagaan wadamada deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waa kuma Qaasim Axmed Cali?

Bishii March, 2016-kii, ciidanka la dagaalanka argagixisadda Kenya ayaa qabtay isagoo kusii jeeda Libya si uu uga mid noqdo Daacish.

Dacwado ay kamid yihiin in uu sameeyo walxaha loo adeegsado qaraxyadda iyo in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayaa lagu soo oogay.

Kadib markii maxkamad lasoo taagey, wuxuu beeniyey eedeymaha, isagoo ku doodey in booliska ay sumcad dil ku hayaan.

Sikastaba ha ahaatee, warbaahinta iyo laamaha amniga Kenya ayaanan sharaxaad dheeraad ah ka bixin qaabka ay ku suurtagashay in uu falkaan dilka ah geysto, iyaddoo ay jiraan in loo haysto dacwadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM