Weerar loo maleegayo huteel caan ah oo digniin laga soo saarey

Image

NAIROBI, Kenya – Mareykanka oo Khamiista maanta ah ka digey weerar culus oo ay mitidiinta u maleegayaan hotel weyn oo ku yaala Nairobi ayaa wuxuu dadweynaha ku booriyey feejignaan dheeraad ah.

"Magaca hotelka wali lama aqoonsan, balse waxaa la aaminsan yahay in uu yahay mid caan ku ah dadka dalxiiska ah iyo ganacsatada," ayay qoraal ku tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Muwaadiniinta Ameerikaanka ayay ku waanisay "taxadar dheeri ah" xiliyada ay joogaan huteelada isla markaana ay hubiyaan dhaqdhaqaaqa guud ahaan xaalada dhismeyaasha ay ku sugan yihiin.

Kenya waxaa soo maray weeraro dhimasho badan dhaliyey oo ay fulisay Al-Shabaab, oo ah koox fadhigeedu yahay Soomaaliya oo gacansaar la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida.

2013-kii, weerar ay Shabaab fulisay oo lagu beegsaday xarunta ganacsiga Nairobi ee Westgate waxaa lagu khaarijiyey 67 ruux. Dableyda waxay dhismaha haysteen muddo afar maalmood ah.

Wax ka yar labba sano kadib, kooxo hubeysan oo Shabaab ah ayaa gudaha ugu daatey Jaamacada Garissa, waqooyi bari Kenya, halkaasoo ay ku toogteen 148 ruux oo ahaa Masiixiyiin ah.

Dhacdadii ugu dhimashada badneyd waxay taariikhda casriga ah ee Kenya ay soo martay 1998-kii xilligaas oo Al-Qaacida ay qarxisay safaarada Mareykanka ee Nairobi, kuna dishay 213 qof.

Sanadkii 2011-kii, Kenya ayaa u dirtay Soomaaliya ciidamo qeyb ka noqonaya AMISOM, kuwaasoo gacan ka geystay in Al-Shabaab laga saaro Muqdisho. Digniinta waxay imaaneysaa xili kooxdu hanjabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM