Weerar loo maleegayo huteel caan ah oo digniin laga soo saarey

Image

NAIROBI, Kenya – Mareykanka oo Khamiista maanta ah ka digey weerar culus oo ay mitidiinta u maleegayaan hotel weyn oo ku yaala Nairobi ayaa wuxuu dadweynaha ku booriyey feejignaan dheeraad ah.

"Magaca hotelka wali lama aqoonsan, balse waxaa la aaminsan yahay in uu yahay mid caan ku ah dadka dalxiiska ah iyo ganacsatada," ayay qoraal ku tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Muwaadiniinta Ameerikaanka ayay ku waanisay "taxadar dheeri ah" xiliyada ay joogaan huteelada isla markaana ay hubiyaan dhaqdhaqaaqa guud ahaan xaalada dhismeyaasha ay ku sugan yihiin.

Kenya waxaa soo maray weeraro dhimasho badan dhaliyey oo ay fulisay Al-Shabaab, oo ah koox fadhigeedu yahay Soomaaliya oo gacansaar la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida.

2013-kii, weerar ay Shabaab fulisay oo lagu beegsaday xarunta ganacsiga Nairobi ee Westgate waxaa lagu khaarijiyey 67 ruux. Dableyda waxay dhismaha haysteen muddo afar maalmood ah.

Wax ka yar labba sano kadib, kooxo hubeysan oo Shabaab ah ayaa gudaha ugu daatey Jaamacada Garissa, waqooyi bari Kenya, halkaasoo ay ku toogteen 148 ruux oo ahaa Masiixiyiin ah.

Dhacdadii ugu dhimashada badneyd waxay taariikhda casriga ah ee Kenya ay soo martay 1998-kii xilligaas oo Al-Qaacida ay qarxisay safaarada Mareykanka ee Nairobi, kuna dishay 213 qof.

Sanadkii 2011-kii, Kenya ayaa u dirtay Soomaaliya ciidamo qeyb ka noqonaya AMISOM, kuwaasoo gacan ka geystay in Al-Shabaab laga saaro Muqdisho. Digniinta waxay imaaneysaa xili kooxdu hanjabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM