Weerarka xeebta Liido oo abuuray dareen ku faafay Geeska Afrika

Image
Qaar kamid ah hogaamiyeyaasha mandiqada ayaa si weyn uga gilgishay ismiidaamintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee ka dhacay xeebta Liido ee Soomaaliya.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey weerarkan naxariis darada ah. Waan sii wadeynaa garab istaagga shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah aafooyinka Argagaxisada”, ayuu Mahamat ku qoray X Sabtidii.

Hogaamiyayaasha gobolka oo ay ku jiraan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si lamid ah  cambaareeyay weerarka ismiidaaminta ah ee ay ku dhinteen ugu yaraan 37 qof oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 63 kale.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa Geeska Afrika uu aad uga xun yahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkaasi.

"Bartilmaameedka dadka rayidka ah waxay muujinaysaa quusta ay qabaan dambiilayaashan," ayuu Geelle ku yiri hadal uu soo saaray.

Dhinaca kale, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka argagixisanimo.

“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoyska iyo asxaabta, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya," ayuu ku yiri ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, hadal uu soo saaray.

Swan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas sii raaciyay: "Bartilmaameedka goobtan waa fal laga naxo oo damaanad qaadaya cambaareynta ugu adag".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM