WHO oo qaylo dhaan kasoo saartey busbus si ba’an ugu faafaya Afrika

Image
Cudurka aadka loo kala qaado ayaa dilay ugu yaraan 450 qof markii ugu horeysay uu soo shaac-baxay.

NAIROBI, Kenya - Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay in cudurka mpox ee ka dillaacay qaybo ka mid ah Afrika xaalad caafimaad uu yahay khatar degdeg ah oo caalami ah.

Cudurka aadka loo kala qaado – oo hore loo oran jiray busbuska – ayaa dilay ugu yaraan 450 qof intii lagu jiray markii ugu horreysay ee uu ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Hadda waxa uu ku faafay qaybo ka mid ah bartamaha iyo bariga Afrika, iyadda oo saynisyahannadu ay ka walaacsan yihiin sida dhakhsaha ah ee nooc cusub oo cudurka ah uu u fido iyo heerka dhimashada sare ee cudurka.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in suurtagalnimada faafitaanka dheeraadka ah ee Afrika iyo wixii ka dambeeya "ay tahay mid walaac badan".

Mpox waxa lagu kala qaadaa xiriirka dhow, sida galmo, jidh-ka-maqaar iyo hadal ama neefsashada meel u dhow qof kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM