Wiilka madaxwayne la inqilaabay oo xabsi laga sii daayay

Image
Salem Bazoum ayaa u ambabaxay dalka Togo kadib dadaalo dhex dhexaadin ah.

NAIROBI, Kenya - Wiil uu dhalay Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Niger, Mohamed Bazoum, ayaa waxaa sii daayay Maxkamad Milatari kaib markii uu xirnaa in ka badan 5 bilood, sidda ay ku warantay warbaahinta gudaha.

Salem Bazoum ayaa u ambabaxay dalka Togo kadib dadaalo dhex dhexaadin ah oo ay sameeyeen hogaamiyayaasha gobolka taasoo keentay in la sii daayo.

Waxa isaga iyo waalidkii lagu xiray madaxtooyada ka dib markii milatarigu afgambi ku sameeyeen aabihii talada hayay sanadaha badan ee Bazoum bishii July ee la soo dhaafay.

Bazoum ayaa weli ku jira xabsiga, iyadoo ciidamada milateriga ay ilaa hadda diidan yihiin inay u hoggaansamaan cadaadis diblomaasiyadeed oo lagu sii daayo.

Bayaan ay soo saartay maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa lagu sheegay in sii daynta Mr Bazoum Jnr ay tahay mid ku meel gaar ah, isla markaana ay isaga ku xiran tahay in uu cadaalada ka jawaabo sida ugu dhaqsiyaha badan ee looga baahdo.

Waxaa lagu eedeeyay in uu maleegayay in uu wax u dhimayo awooda dowladnimada kadib afgambigii dhicisoobay.

Bishii Oktoobar, ayay ciidamada milateriga ku eedeeyeen in madaxweynihii xilka laga tuuray iyo qoyskiisa, labadiisa cunto kariyaha iyo laba sarkaal oo ammaanku ay sameeyeen isku day fashilmay oo ay ku doonayeen inay ku baxsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM