Xabaal wadareed ay ku jiraan "ugu yaraan 65 mayd" oo laga helay Libya

Image
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa meydadkan ku sheegtay in ay yihiin tahriibeyaal.

NAIROBI, Kenya - Xabaal wadareed ay ku jiraan "ugu yaraan 65 mayd oo muhaajiriin ah" ayaa laga helay Koonfur-galbeed dalka Liibiya toddobaadkii hore, sida ay sheegtay hay'adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Jimcihii in xabaal wadareedkan ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka ee Liibiya.

IOM oo qoraal gaar ah soo saartey ayaa waxa ay sheegtay in ay "aad uga naxday ugana argagaxday" dhacdadan. Waxay intaas ku dartay in xaaladda dhimashada "aan la garanayn".

"Balse waxaa la rumeysan yahay in muhaajiriintan ay ku nafwaayeen habka tahriibinta ee saxaraha," ayaa lagu yiri warbixin ay hay'addu soo saartay todobaadkii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, Hay’adda IOM ayaa waxa ay sheegtay in ay aad uga mahadcelineyso in mas’uuliyiinta Liibiya ay billaabeen baaritaanno la xiriira dhimashada dadkaas.

IOM waxay sheegtay in dhimashadu ay muujinayso "baahida degdega ah ee loo qabo in wax laga qabto caqabadaha socdaalka aan caadiga ahayn oo ay ka mid tahay in si wadajir ah looga jawaabo tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka".

Ugu dambeyn, IOM ayaa waxay ugu baaqday mas'uuliyiinta ka jira wadamada ay dadkan soo maraan inay "kor u qaadaan iskaashiga gobolka si loo xaqiijiyo badbaadada iyo ilaalinta muhaajiriinta galaya safarka halista ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM