Xariga iyo toogashada shaqaale UN-ka oo la fahfaahiyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidankeeda ay rasaaseeyeen shaqaalo ka tirsan Qaramada Midoobay, kaddib marki ay shaqaalahani ka gudbeen laba bar-koontarool oo aanan loo ogolaan si ay u gaaraan gobolka ay dagaalladu ka socdaan ee Tigray.

Redwan Hussien oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda Itoobiya, ayaa Talaadadi shalay isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa wariyaasha u sheegay, in dhacdadani ay dhacday Axaddii xilli ay shaqaalaha Qaramada Midoobay isku dayayeen in ay gaaraan xerada qaxootiga ee Shimelba oo ay daganyihiin qaxooti Eritrean ah.

Wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan millatariga Itoobiya ay rasaas ku fureen shaqaalaha UN-ka, kaddib marki ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar koontarool, waxyar kaddib marki ay soo dhaafeen laba bar koontarool oo kale.

Sida uu sheegay Ridwan, shaqaalaha waxaa lagu wargeliyay in aanan loo ogoleyn in ay barta koontarool ka gudbaan, balse waxay go’aansadeen in si qar-iskatuur-nimo ah halkaasi kaga tallaabaan.

Shaqaalahani ayaa la xiray, balse marki danbe lasii daayay sida uu xaqiijiyay sarkaalkani u hadlay dowladda Itoobiya.

Afhayeenka Qaramada Midoobau Stephane Dujarric ayaa sheegay in warka kasoo yeeray Itoobiya uu yahay mid laga naxo.Isaga oo ku boorriyay dowladda federaalka Itoobiya in ay ka hortago dhacdadani oo kale mustaqbalka.

Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale ee samafalka caalamiga ah ayaa aad isugu dayaya in ay gargaar bani’aadannimo gaarsiiyaan ku dhawaad hal milyan oo qof oo ay barakiciyeen dagaaallada sokeeye ee ka socda Waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

VOA

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM