Xasan Joho: Siyaasiga ay Soomaalida raadka ku leedahay taajirnimadiisa

Image

NAIROBI, Kenya – Barasaabka magaala xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, Xasan Joho, ayaa wuxuu sameeyay qiraal naadir ah oo ah in 20-jirkiisa uu ka macaashay maalka Soomaalida dhulkooga uga soo qaxay dagaalkii sokeeye.

Isagoo u waramayey barnaamijka Churchill Show ee telefishinka NTV Kenya, Joho oo kamid ah siyaasiyiinta ugu hantida badan Kenya ayaa sidoo kale ka waramay dhabihii uu u soo maray maal-qabeenka uu haatan yahay.

Aabihii iyo hooyadii ayuu xusay in ay kala tageen isagoo yar isla markaana Maamadiisa ay iibin jirtay qudaar ay Yaanyada ku jirto. Xubnaha kale ee qoyskiisa sidda ayeeyadii ayuu tibaaxay in uu muddo la noolaa.

Noloshaas adag ayaa dhabaha u xaartey in uu noqdo hal-abuure ganacsi, wallow waqtigaas aysan ahayn mid isaga iyo reerkiisa ku filan.

"Ayeeyadey galab walba waxay sameyn jirtay bariis qumbe iyo mac-macmaan. Habeenkii oo idil ayay diyaarineysaa abaare Sagaalkii galabnimo ayay dhameyneysaa. Aniga waxaan ku caawin jiray in aan soo wareejiyo, waana halkaas meesha aan kasoo bilaabay in aan noqdo iib-geeye wanaagsan," ayuu ku yiri wareysigan hadalheynta badan ka dhaliyey Kenya.

Waayihisii dugsiga sare, dekaddii hore ee Mombasa ayuu u tegi jiray si uu gaadiidka xamuulka u raro [xamaali], si uu xoogaa lacag uga helo.

"Waxay ahayd shaqo hoose oo aan xirfad u baahneyn, waxaana u ekaaday qof jirkiisa dhisan maxaa yeelay qaadista xamuulka culus. Halkaas waa meesha aan kasoo bartay sidda loo dhoofiyo loona nadiifiyo dukumiintiyadda aad u baahan tahay in aad hesho," ayuu hoosta ka xariiqay Xasan Joho.

Kolkii dambe, wuxuu wakiil iib-geeye u noqdey Soomaalida waddankooda uga soo carartay dagaalkii sokeeye, halkaasoo lacag fiican uu ka sameeyay.

"Soomaaliya waqtigaas ayay dagaal galeysay, dad badana waxay ku imaanayeen badda, waxayna soo dhoofinayeen waxyaabo iyagoo kaga tageyay marsada. Walaalkey ayaa igu soo xiray dadkaas, waxaana ku qanciyey in aan u noqdo wakiil iib-geeye u ah. Jeeg lacageedkii ugu weynaa waqtigaas oo aan ahaa 20-sano jir wuxuu ahaa Sh6.6 Kenya shilling [oo u dhiganta $61,096.21 doolar]," ayuu yiri, isagoo dib xasuusanaya maalmihii uu macaashka sameeyay.

Kenya ayaa kamid ahayd wadamadii ay Soomaalida u qaxeen kadib markii dalka uu dagaal sokeeye ka qarxay 1991-dii, kaasoo geeri badan sababay.

Xasan Joho, oo haatan ah 44-sano jir, ayaa lagu tiriyaa shaqsiyaadka ugu awooda badan siyaasadda Kenya. Waa ganacsade, hoyga uu degan yahay waxaa lagu qiimeeyay $ 3.9 million. Lacagtiisa dhan waxaa lagu qiyaasay $64 milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM