Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki oo wadahadalo ku yeeshay Asmara

Image
Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa waxa ay diiradda saareen iskaashi dhinacyo kala duwan ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wada hadalo ay xalay yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa madaxwayne Isaias Afwerki wuxuu sheegay in lagama maarman ay tahay in la xoojiyo xariirka dhinacyada ee Siyaasadda, ciidamada, amniga iyo dhaqaalaha ee labada dal ay leeyihiin.

Shantii sanno ee lasoo dhafay Eritrea ayaa tababartay, in ka badan 10,000 askar Soomaali ah, laakiin sida loo maareeyey markii ay ku soo laabteen gudaha dalkooda, ayay saluugtay dawladda Eritrea.

Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Wakaalada wararka ee Eritrea ayaa bogaadiyey taageerada ay Eritrea siinayso dalkiisa, gaar ahaana doorkeeda dibu dhiska ciidanka xoogga dalka, oo ay kaalin weyn kaga jirto, sida uu xusay Madaxweynaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM