Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki oo wadahadalo ku yeeshay Asmara

Image
Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa waxa ay diiradda saareen iskaashi dhinacyo kala duwan ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wada hadalo ay xalay yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa madaxwayne Isaias Afwerki wuxuu sheegay in lagama maarman ay tahay in la xoojiyo xariirka dhinacyada ee Siyaasadda, ciidamada, amniga iyo dhaqaalaha ee labada dal ay leeyihiin.

Shantii sanno ee lasoo dhafay Eritrea ayaa tababartay, in ka badan 10,000 askar Soomaali ah, laakiin sida loo maareeyey markii ay ku soo laabteen gudaha dalkooda, ayay saluugtay dawladda Eritrea.

Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Wakaalada wararka ee Eritrea ayaa bogaadiyey taageerada ay Eritrea siinayso dalkiisa, gaar ahaana doorkeeda dibu dhiska ciidanka xoogga dalka, oo ay kaalin weyn kaga jirto, sida uu xusay Madaxweynaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM