Xeer-Ilaaliyihii gobolka Amxaaradda oo u dhintay dhaawacii soo gaarey

Image

ADDIS ABABA - Xeer Ilaaliyihii Guud ee maamulka gobolka Amxaaradda ee dalka Itoobiya, Migbaru Kebede ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaarey afgembigii fashilmay ee ka dhacay Bahir Dar Sabtidii lasoo dhaafay.

Migbaru Kebede ayaa ku geeriyoodey Isbitaal lagu daweynayay tan iyo markii uu dhaawaca soo gaarey, sida ay illo ku dhaw xafiiskiisa u xaqiijiyeen warbaahinta.

Afgembiga dhicisoobey ayaa galaaftay nolosha mas’uuliyiin sare, oo ay ku jiraan Madaxweynihii maamulka gobolka Amxaaradda, Ambachew Mekonnen, la taliyihiisa iyo taliyihii ciidanka Itoobiya.

Calanka Itoobiya ayaa hoos loo dhigay, waxaana dalka looga dhawaaqay maalmo baroordiiq ah, oo loo sameynayo mas’uuliyiinta lagu dilay afgembiga laga hortagay.

Taliyaha ciidanka militeriga Itoobiya, Seare Mekonnen iyo Jeneraal howlgab ahaa ayaa lagu dhex toogtay gurigiisa magaaladda Addis Ababa, waxaana dilka geystay mid kamid ah ilaaladiis gaarka.

Afgembiga waxaa madax u ahaa taliyaha amniga gobolka Amxaaradda, oo lagu magacaabo Asamnew Tsige, kaasoo kamid ahaa saraakiisha uu Abiy Axmed xabsiga kasoo daayay markii uu xukunka la wareegay sanadkii tagey.

Warar ayaa sheegaya in Asamnew Tsige lagu dilay maanta tuulada Zanzal oo kutaala jidka u dhexeeya Bahirdar iyo Gondar xili uu baxsad ahaa, kadib markii uu dagaal dhexmaray askarta taabacsan iyo ciidamada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM