Xiisad xoogan oo kasoo cusboonaatay sohdinta Kenya iyo Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Warbaahinta Kenya ayaa ku warameysa in ay xiisad xoogan kasoo cusboonaatay sohdinta dalkooda la wadaago Kenya.

Sidda ku xusan warbixinta, xasarada ayaa ka dambeysay markii afar qof oo Kenyan ah lagu dilay degaanka Sessi, 12-kii bishaan Maaj, 2020.

Dadka degaanka ayaa falkaas ku eedeeyay dabley aad u hubeysan oo ay sheegeen in ay kasoo talaabeen dhanka Itoobiya.

Saxaafada ayaa intaas ku dartay in maleeyshiyaadka ay u dhaceen guryo ay degan yihiin dad shacab ah isla markaana ay gubeen.

Dhacdooyinkaas oo lagu gubay "rag fara badan" ayaa lasoo wariyey habeenimadii Khamiista ee todobaadkii lasoo dhaafay

Mas'uuliyiinta degaanka oo kulan degdeg ah ka yeeshay xaalada ayaanan wali wax war ah kasoo saarin geerida dadkaas shacabka ah.

Ma cadda sababta ka dambeysa arrintaan, wallow aysan ahayn markii ugu horeysay oo xiisad noocaan ah ka dhacdo xadka labada dal.

Sikastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo Kenya ay xiisad kale kaga furan tahay dhanka Soomaaliya oo dagaal culus uu ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM