Xiisada xukuumadda Abiy Axmed iyo Tigreeyga oo weji cusub yeelatay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xisbiga Xoreynta Shacabka Tigreega ee TPLF ayaa xubnaha ku magaacaban xilalka dowladda dhexe, golayaasheeda wakiillada shacabka iyo golaha Federeeshinka ku amray dhammaantood iney iska casilaan xilalka ay ka hayaan dowladda dhexe.

Getachew Reda oo ah xubin ka mid ah guddiga fulinta xibiga TPLF oo BBC u warramay wuxuu sheegay mudda xileedka baarlamaanka dalkai Itoobiya loo doortay inuu ku ekaa maalinti shalay, dowladdi uu baarlamaankaasi dhisay iyo xukumaddi uu magacaabay intaba muddo xileedkooda uu ahaa shan sana oo keli ah uuna dhammaaday.

"Kulanka wadajirka ee sanadka 6-aad oo ay maalinti shalay ahayd ku yeesheen magaalada Addis Ababa xubnaha labada aqal ku matala deegaanka Tigreega kama aysan qayb gelin" ayuu yiri.

"Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray" ayuu yiri.

Maalinti shalay ahayd labada gole waxay yeesheen munaasabadda furitaanka kulankoodi caadiga ahaa.

Kulanka labada gole ay yeesheen oo ka qabsoomay xafiiska ra'isal wasaaraha Itoobiya waxaa khudabadda furitaanka oo ku qotonto jihooyinka siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ee sanadkan hadda u billowday soo jeedisay madaxweynaha dalkaasi Sahlewarqi Zewde.

"Wakhti xaadirkan Ra'isal wasaaraha iyo golahiisa wasiirrada iyo xubnaha labada aqalba ma haystaan wax sharci ah oo u oggolaanayo iney xilka sii hayaan, laga billaabo maantana xubnahaasi wax xiriir ah lama yeelan doonno" ayuu yiri Getaachew.

Hase yeeshee deegaanka Tigreega wuxuu wadashaqeyn u la yeelan doonaa hay'adaha garsoorka, ciidamada gaashaan dhigga, hay'adaha u xilsaaran bixinta awaamiirta dibloomaasiyadda iyo hay'adaha kale ee bixiya adeegyada dhaqaale iyo mid bulsho oo muwaaddiniinta waxtarka u leh.

Guddoomiyaha aqalka sare ee Itoobiya Adan Faarax ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigreega, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la laalo gabi ahaanba aqoonsiga maamulka deegaanka Tigreega kaddibna la dhiso maamul ku meel gaar ah dowladda dhexe hoostaga, inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka iyo iney ciidamada qaranka u dirto deegaankaasi.

Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo.

Dhawaan ayay ahayad markii deegaanka Tigreega laga qabtay doorasho ay sharci daro ku tilmaamtay dowladda dhexe ee Itoobiya.

Hase yeeshee, maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanaya Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.

Doorashada guud ee dalkaasi Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen 9 bilood ilaa sanad in doorashada dib loo dhigo.

BBC

Related Articles

Sierra Leone: Koronto la'aan sababtay inuu shaqada ka tago wasiir awood badan

Shirkadda Korontadda laga leeyahay Turkiga ee Karpowership ayaa jartey korontada muddo todobaadyo ah.

  • Afrika

    28-04-2024

  • 04:30AM

Dowladda Burkina Faso oo xayiraad adag kusoo rogtay BBC iyo VOA

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

  • Afrika

    27-04-2024

  • 04:34AM