Xiisada xukuumada Abiy iyo Tigreeyga oo gacan ka hadal isku rogtay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wuxuu iclaamiyey in Ciidamada Difaaca Itoobiya la siiyey amar ay ku bilaabayaan duulaan milatari oo aargoosi ah kana dhan ah ismaamulka Tigreeyga.

Abiy ayaa sheegay in gobolkaas "qaadey talaabooyin" isla markaana "isku dayay in uu bilaliqeysto Taliska Waqoyga". Qoraal uu soo saarey ayuu ku xusay "in degaanka Tigreeyga uu dagaal ka bilaabay Dashlah".

Taliska Waqooyi ee Ciidamadda Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa fadhigiisu yahay magaaladda Mekelle oo ku dhowaad kun KM u jirta caasimadda Addis Ababa.

"Dowladda waxay isku dayday in ay ka fogaato dagaal, balse dagaalka iskama dhowri karo hal dhinac oo qura," ayuu ku yiri war-saxaafadeedkiisa luuqada adag ku qornaa.

Wuxuu intaas raaciyey: "Iyaddoo uu hogaaminayo taliska, ciidamadeena difaaca qaranka waxaa la siiyey amar ay ku gudanayaa mas'uuliyadooda badbaadinta waddanka".

"Qodobkii ugu dambeeya ee xariiqda cas ayaa la dhaafiyey; si loo badbaadiyo dalka adeegsiga xoogga ayaa noqday xalka ugu dambeysa," ayuu hoosta ka xariiqay Abiy Axmed.

Muwaadiniinta Itoobiya ayuu cod dheer ugu baaqay in ay si dhow ula socdaa xaalada ayna taageeraan ciidamadda iyagoo ka war-qabaya waxa ka dhacaya agagaarkooda.

Dhawaqa Abiy ayaa imaanaya xilli lagu waramay in uu dagaal dhexmaray ciidamada federaalka iyo kuwa ismaamulka Tigreeyga. Isku-dhacaas waxaa laga soo wariyey Mekelle oo laga jaray isgaarsiinta oo idil.

Xukuumadda Abiy iyo ismaamulka Tigreeyga ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay hawada isku-marinayeen hadalo xanaf leh markii ay isku-maan-dhaafeen doorashooyinkii loo madalsanaa bisha August, 2020.

Gacan ka hadal ay xiisadan isku badasho ayaa mar walba laga cabsi qabay. Hay'adda Xasaradaha Aduunka ICJ waxay ka digtay in isku-dhac dhexmara labada dhinac ay waxyeelo kasoo gaari karto kumanaan ruux rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM