Xiisadda Abiy iyo maamulka Tigray oo lugaha lasoo gashay Soomaaliya

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Taliska ciidamadda difaaca Itoobiya ayaa lagu waramay in uu xabsi u taxaabay tobban kamid ah saraakiisha ka joogta magaaladda Baydhabo oo ah caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda soo baxaya, saraakiisha la xiray ayaa dhamaantooda kasoo jeeda ismaamul goboleedka Tigreeyga.

Xarigaan ayaa wuxuu kusoo hagaagaya xilli xiisad ay ka dhaxeyso Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo hogaamiyeyaasha xisbiga TPLF ka arimisa gobolkaas dhaca waqoyga dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Xilli xiisadooda ka dhalatay dagaal in ka badan 10 maalmood socda, Abiy ayaa ku eedeeyay TPLF in ay wiiqeyso dedaalada uu ku doonayo in uu Itoobiya uga dal dimuqraadi ah iyo in ay u hogaan-sami weyday shuruuda dalka.

Hasayeeshee, TPLF ayaa ku dhaleeceysay xukuumadda Abiy in howlgalkeeda ka dhanka ah xadgudubyadii hore, la dagaalanka iyo maxkamadeynta musuqmaasuqa ay si gooni ah u ugu beegsaneyso saraakiisha ka tirsan.

Jimcadii, ururka Midowga Afrika ayaa eryay Gebreegziabher Mebratu Melese oo ahaa madaxii ammaaanka xarunta AU-da ee magaalada Addis Ababa.

Melese oo ah muwaadin Itoobiyaan ah kana soo jeeda qowmiyadda Tigray ayaa beegsigiisa loo aaneeyay in uu salka ku hayo dagaal isireed oo xuduntiisu tahay in Abiy doonayo in uu qiimo-dilo dadka caanka ah ee ismaamul goboleedka.

Boqolaal u badan askar labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday colaada, halka kumanaan kale ay u barakaceen deriskooda Suudaan iyaddoo Qaramada Midoobay ay ka digtay dambiyo dagaal oo ka dhasha dagaalada cuslaadey.

Digniinta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa kusoo hagaagtay markii Amnesty International ay soo warisay in xasuuqay dad badan oo shacab ah.

Colaadda ka aloolsan waqoyga Itoobiya ayaa galaafan karta sumcadda Abiy iyo biladda uu ku guuleystay ee Nabada Aduunka taasoo uu ku muteystay in uu soo gabagabeeyay colaadii waddankiisa tobanaanka kala dhaxeysa dalka Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM