Xiisadda badda oo hoos u dhigtay howlihii dekad ku taala Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Warbixin kasoo baxday Hay’adda Maamulka Dekaddaha ee Kenya ayaa looga faaloodey "hoos u dhac weyn" oo ku yimid howlihii marsadda magaala xeebeedka Mombasa.

Hoos u dhaca ayaa, sidda la sheegay, waxaa aad looga dareemayaa qeybta qaabilsan shixnadaha loogu sii gudbiyo wadamadda kale.

Sidda lagu xusay xog-uruurinta, dhibaatada ayaa gaareysa 9.4%. Inkasta oo sababaha keenay ay tirro badan yihiin, haddana waxaa qeyb ka ah xiisadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Asbaaha kale ayaa waxaa kamid ah; dalalkii isticmaamili jiray dekadaasi oo ay kamid yihiin; Itoobiya, Uganda, Tanzania iyo kuwa kale oo gobolka ah ay u wareegsadeen dekado kala duwan.

Sidda uu qoray baahiyey wargeyska The East African, ismaandhaafka diblumaasiyadeed ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa si daran u saameeyay ganacsiga labadda waddan ee deriska ah.

"Tirokoobkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in Soomaaliya aysan shixnadaha u sii isticmaali doonin dekadda Mombasa," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah maqaalka uu jaraa'idku daabacay.

Hoos u dhaca waxaa sidoo kale sababay soo gelitaanka shirkadda reer Demark ee xamuulka maraakiibka shaqeysa ee Maersk, taasi oo marsadda Muqdisho ka howlgal bilowday bishii Janaayo.

Hoos u dhaca waxaa sidoo kale sababay soo gelitaanka shirkadda reer Demark ee xamuulka maraakiibka shaqeysa ee Maersk, taasi oo marsadda Muqdisho ka howlgal bilowday bishii Janaayo.

Tan iyo bishii July, Soomaaliya ayaa nan waxna ka dhoofsan dekadda Mombasa, taasi oo meesha ka saartay tan 1,000 [kun] ah, sidda laga soo xigtay baaritaanka Hay’adda.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii sanadkan waxaa ka dhaxeeya isqabqabsi dhanka badda ah, taasi oo aakhiritaankii dhabaha u xaartay khilaaf dhanka diblumaasiyadda ah.

Xukuumadda Federaalka ah oo dhigeeda Nairobi ku dacweysay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa raadineysa in loo xukmiyo goob badkeedu yahay 100 KM isku wareeg oo ay Kenya sheeganeyso.

Goobtaas oo ku taala xuduud badeedka labadda dal ayaa hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka nooca dabiiciga ah sida Shidaal iyo Gaaska naqaska ah.

Labada xukuumadood ayaa midba kan kale kusoo rogay xayiraadyo adag oo dhanka socdaalka ah, kuwaasi oo isugu jira cirka iyo dhaqdhaqaaqa dhulka.

Soomaaliya ayaa faaneysa dekadaha Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland, Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland, Berbera [Somaliland] iyo Muqdisho, magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo ku baaqday in Maamulka Badda Cas Lagu Koobo Dalalka Xeebaha Leh oo Kaliya

Isagoo ka hadlayay arrimaha biyaha, Abdelatty wuxuu ku tilmaamay biyaha xuquuq aasaasi ah oo bani’aadamka leeyahay.

  • Afrika

    16-02-2026

  • 12:27PM

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM