Xiisadda Qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya oo mar-xalad cusub gashay

Image

NAIROBI, Kenya – Ganacsatada Qaadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa la sheegay in xaaladda kusii cuslaatay kadib markii xukuumadda Muqdisho ay sarre-u-qaadey ololaheeda ka dhanka ah maandooriyaha Miiraha [Miirow].

Tani ayaa kusoo hagaageysa xilli labada dowladood ay isku-afgarteen in 14 maalmood gudahooda ay ku fududeeyaan dib-u-furida suuqa Qaadka, hasa ahaatee, waxaa muuqaneysa in aysan hirgelin.

Laba todobaad kahor, wafdi Kenyaan ah isla markaana uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang'i ayaa socdaal ku tegay Muqdisho, waxayna dhigooda kala hadleen xalinta xiisada diblumaasiyadeed.

Balse sidda uu sheegay Kimathi Munjuri oo ah gudoomiyaha Iskaashatada Qaadka Kenya, xaaladda ayaa kasii dartay todobaad kadib socdaalkaas, waxaana la burburiyey laguna daadiyey badda shixnado khaad.

Sidda laga soo xigtay sheegashadiisa, shan doonyo Khaad wadday ayaa lagu daadiyey Badda Cas, waxaana dowladda Soomaaliya ay fasaxdey Khaadka Itoobiya iyaddoo diidey midka ka yimaadda deriskeeda Kenya.

"Waxaan howlgalka dhanka badda ku khasaarnay in ka badan 17 tan Miiraha ah. Buursooyin badan waxaa gubay booliska Soomaaliya todobaadkii hore. Ganacsiga wuu sii xumaadey asbuuc gudahiisa," ayuu sheegay.

Inkasta oo mas'uuliyiinta diblumaasiyadeed ee labada dhinac ay heshiis wada gaareen asbuucii hore, haddana gudoomiyuhu wuxuu ku andacoonayaa in cadaawada labada waddan ay sii kululaaneyso.

"Kenya waxay ogolaatay in wax-soo-saar badan oo Soomaaliya ka yimaada sidda Caanaha iyo Hilibka hal Kenya ay dhoofiso wax-soo-saar kale. Balse heshiiska wali lama ansixin sababtoo ah madaxweyne Farmaajo wali ma ogolaan," ayuu gudoomiyaha Khaadleyda ku daray hadalkiisa.

Soomaaliya ayaa kal hore waxay sheegtay in Khaadka ay dalka uga mamnuucdey sababo ku aadan Coronavirus, hasayeeshee, waxaa la wariyey in dalka uu kasoo galo Itoobiya, xayiraadana lagus oo koobay kan Kenya.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa isku haya qadiyo badan si gaar ah dacwadda badda ee hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ iyo is-qabqabsi diblumaasiyadeed si lamid ah shirarka ay halkaas ku yeeshaan mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM