Xil ay Soomaaliya ka dooneysay ururka IGAD oo Itoobiya u gacangalay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, Workeneh Gebeyehu, ayaa waxaa loo magacaabay Xoghayaha Fulinta ee urur goboleedka IGAD.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa warqad ku taariikheysan 22-ka October 2019 wuxuu ku xushay Gebeyehu. Abiy haatan waa gudoomiyaha ururka.

Gebeyehu ayaa bishii Maaj ee sanadkan waxaa loo magacaabay Agaasimaha guud ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi ka gedaal markii xilka laga qaadey.

Jagada uu hantiyey Gebeyehu ayaa waxaa horey u codsatay Soomaaliya oo wadatay murashax ay rabtay in loogu magacaabo maadaama aysan horey u qaban.

Mr Workeneh, oo 51-sano jir PhD ah, ayaa waxaa uu xilkan hayn doonaa afarta sano ee soo aadan, iyada oo mushaharkiisa lagu jaan-goynayo khibradiisa.

Jabuuti ayaa sidoo kale dooneysa in ay hesho xilka gudoomiyaha, kaasoo haatan la rumeysan yahay in ay Kenya ugu cad-cadahay in loo caleemo saaro dhowaan.

Khilaaf hoose oo ka dhashay arrintan ayaa soo if-baxay dhowaan, taas oo keentay in ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu socdaal ku tago Jabuuti si loo qaboojiyo xiisada.

Soomaaliya oo kamid ahayd dalalkii aas-aasey IGAD ayaa nan mar qura qaban xilalka ugu waaweyn urur goboleedkan, waxaana muuqatay in ay seegtay fursadaas.

Itoobiya iyo Kenya, dowlado xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyo oo wadaaga ood wadaag ah, ayaa sideedii sano ee lasoo dhaafay waxay qabanayeen labadan jago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM