Mudane: Dadka dambiyada u geysta jaceyl awgii waa lama taabtaan

Image

NAIROBI, Kenya – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa dalbadey in aanan waxyeelo oo geysan mucaashaqiinta jaceylka.

Joshua Kutuny ayaa ku waaniyey booliska in ay joojiyaan tacadiyadda ay u geystaan shaqsiyaadkaas, oo soo badanaya.

Mudanaha oo laga soo doorto Cherangany ayaa taas bedelkeeda soo jeediyey in daryeel iyo ka warqab loo sameeyo xubnahaas.

"Dhalinyaradda sidda uu qof walba u jecel yahay nolol fiican bey habeenkii u goobaan lamaantooda, marka booliska waa in uu ka fogaadaan waxyeeleentooda," ayuu ka sheegay meel fagaare ah.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadaya iyaddoo bilooyinkii lasoo dhaafay ay kordheen dhalinta dhibaatooyinka u geysanaya jaceylka.

"Raggaas waxaa lagu qasbaa in ay bixiyaan ganaax lacageed, taasna ma ahan wax la aqbali karo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Sikastaba, Kenya ayaa kamid ah dalalka qaarada Afrika ee ay ku badan yihiin fal-dambiyeedyadda burcadnimada ee da'yartu geystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM