Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo ku maadeystay Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Xildhibaan Kenyaan ah laguna magacaabo Ndindi Nyoro ayaa sheegay in xaalada waddankiisa ay kasii dari lahayd Soomaaliya hadii Uhuru Kenyatta kusoo bixi lahaa tartanka madaxtinimada sanadkii 2002-kii.

Ndindi Nyoro oo laga soo doorto Kiharu ayaa Soomaaliya kusoo daray liiska wadamo kale oo kala ah; Mozambique iyo Venezuela.

Mudanahaan oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee xiriirka bulshadda ayaa ku eedeeyay Uhuru in uu leeyahay dhaqanka "kalitalisnimada".

"Hadii uu madaxweyne noqon lahaa 2002-dii, Kenya waxay kasii xumaan lahayd wadarta Venezuela, Zimbabwe iyo Somalia; nooca kalitalisnimo ee waddanka inoo jooga waa wax laga yaqyaqsado waxaana ay dhabaha u xaareysaa fowdo," ayuu yiri.

Siyaasigan mayalka adag isla markaana naqdiya xukuumadda Uhuru ayaa wuxuu raaciyey: "Kuwa xukunka haya waa in ay aqbalaan kala duwanaan-shiyaha fekerka ee dadka kale, sababtoo ah uma aysan dhalan in ay ayidaan oraahdooda".

Sharci-dejiyeyaasha iyo siyaasiyiinta taageersan madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa aad ugu kacsan Uhuru tan iyo markii uu heshiis la gaarey hogaamiyaha ugu mucaaradka Raila Odinga, taasoo dharbaaxo ku noqotay.

Tuhunka ugu weyn oo ay qabaan ayaa ah in ay iska kaashanayaan sidii xukunka isugu bedeli lahaayeen maadaama William Ruto uu ku fekerayo in uu isa soo sharaxo doorashooyinka madaxtooyadda ee nagu soo fool leh.

Ndindi Nyoro ayaa ku biiraya liiska wadamo, madax iyo siyaasiyiin tusaalooyin aanan wanaagsaneyn u soo qaatay Soomaaliya si ay u weeraran hogaamiyeyaal ay is-hayaan; dowladda Soomaaliya wali kama jawaabin digashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM