Xildhibaan kamid noqdey dad lagu xiray banaanbaxyo ruxay Kenya

Image
Ugu yaraan 53 qof oo mudaaharaadayaal ah oo aan hubaysnayn ayaa lagu xiray guud ahaan dalka Kenya.

NAIROBI, Kenya - Tobanan mudaaharaadayaal ah ayaa waxaa lagu xiray gudaha waddanka Kenya intii ay socdeen isku dhacyada u dhexeeya booliiska iyo dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqul insaanka.

Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay ka caroodeen mowjado kiisas ah oo la sheegay in lagu afduubay dad dowladda dhaleeceynaya kuwaasoo u badan mucaaradka William Ruto.

Dhammaadkii todobaadka, madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ballan qaaday in uu soo afjari doono afduubka – taasoo u muuqata in uu kor u kac ku yimid hoggaamiyaha oo markii hore ku tilmaamay dadka la la’yahay “war been abuur ah”.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo afduubka ayaa sii socday Isniintii, iyadoo booliska ay ku rideen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dad isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Ugu yaraan 53 qof oo mudaaharaadayaal ah oo aan hubaysnayn ayaa lagu xiray guud ahaan dalka Kenya, sidda uu sheegay guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee Kenya (KNCHR) oo ay dowladdu maalgeliso.

Xariga mucaaradka ayaa laga yaabaa inuu sii huriyo mudaaharaadyada ka dhanka ah afduubka ee ka socda dalka ku yaalla bariga qaarada hodanka ah ee Afrika.

Ugu yaraan 82 qof oo dhaleeceeyay dowladda ayaa la waayay markii ay sameeyeen dhaq-dhaqaaq mudaaharaad ah – oo ay kiciyeen dhalinyarada Kenya – uu ka qarxay bishii June ee ka soo horjeeda sharciga maaliyadda ee muranka dhaliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM