Xildhibaanadii loo xiray safarka Muqdisho oo sharaxay ujeedkooda

Image

NAIROBI, Kenya – Mudaneyaasha gobolka waqooyi barri dalka Kenya ee loo xiray in ay si qarsoodi ah ku tageen caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay sharaxeen ka bixiyey safarkooda.

Xildhibaanada oo wariyeyaasha la hadlay ayaa socdaalka ku qeexay "mid dan u ahaa qaranka Kenya".

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, waxay xaqiijiyeen in ay ka kulmeen madaxweyne Farmaajo. Illo xog ogaal ah waxay qireen in shirka uu qeyb ka ahaa Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin.

Ajendaha wadahadalkooda ayay ku sifeeyeen ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Nuxurka wadahadalkooda ayay hoosta ka xariiqeen in ay la wadaagi doonan madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Rashid Kassim, oo kamid ah xubnaha hadlay, ayaa ku adkeystay in talaabada ay qaadeen ay ahayd "is-xilqaan", wallow aysan idin ka qaadan Wasaarada Arrimaha Dibadda.

"Waxaan ognahay madaxweynaha waa mid hogaamiyeyaasha kula loolamaya furinka hore ee dagaalka, waxaan Soomaaliya ula kulmeynaa si aan u wajahno amni darada saameysay sohdinteena isla markaana aan kaga hortagno dhibaatadda," ayuu raaciyey.

Sharci-dejiyeyaasha ayaa kulanka ay la qaateen Farmaajo ku sifeeyay "bilowga kulamadda ammaanka ee soo celin kara xasiloonida iyo nabadda labadda dal iyo gobolka waqooyi bari".

Tafaasiisha ay safarkooda ka bixiyeen waxay imaaneysaa iyaddoo warbaahinta Kenya ay qortay in booqashadooda ay quseysay kala taag-taaga diblumaasiyadeed ee Muqdisho iyo Nairobi.

Xubnaha loo xiray in ay ogolaanshiyo la'aan tageen Muqdisho oo tiradooda ay gaareyso 11 ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, waxaana su'aalay Hay'adda CID-da.

Socdaalka Xildhibaanada ee magaala madaxda Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadey iyaddoo Muqdisho ay ku eedeysay dhigeeda Nairobi in ay faragelin amni iyo mid siyaasadeeday ku hayso wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM