Xildhibaanada Soomaalida ee gobolka Garissa oo gacanta isugula tegay

Image

NAIROBI, Kenya – Mudaneyaasha baarlamaanka ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi Barri Kenya ayaa gacanta isugula tegay, sidda ay baahisay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, maanta oo Talaado ah.

Gacan ka hadalka oo la sheegay in ay sababtay in Xildhibaano isbitaal loola cararo ayaa yimid markii ay isku maandhaafeen wax ka bedel lagu sameynayo Dastuurka dalka dhaca Geeska Afrika.

Axmed Cabaas, afhayeenka xeer-dejinta, ayaa la sheegay in dhacdadaas kadib uu dibadda uga saarey fadhigii Isniintii dhowr sharcidejiyeyaal, kuwaasi oo sidoo kale uu xanibaad kusoo rogay.

Wakiiladda shacabka oo tiradooda aanan la shaacin ayaa waxaa la sheegay in lagu amray in aysan fadhiga Golaha aysan soo xaadiri karin muddo ku suntay saddexda bilood ee nagu soo aadan.

Cabaas oo war-fidiyeenka si kooban ula hadlay ayaa wuxuu ku eedeeyay xubnahaas in ay sabab u yimid "dhibaatada iyo jawhareer" ka dhacay kulankii u dambeeyay.

Hase ahaatee, Yuusuf Cumar iyo Xasan Xalanle oo kamid ah xubnaha xayiraada lagu soo rogay ayaa ganafka ku dhuftay go’aankaas, iyaga oo sheegay in ay awood adeegsan doonan.

"Hadii uu awood leeyahay ha naga celiyo fadhiga Arbacadda…waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan xilka uga qaadi lahayn isaga," ayuu yiri Xalane oo fageero kula hadlay taageereyaashiisa.

Inkasta oo ay socdaan dedaalo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddan, cabsi ayaa jirta oo ku aadan in fowdo kale uu hareeyo fadhiga soo aadan, kaasi oo qaban-qaabadiisa ay hadda socoto.

Wax ka bedelka dastuurka Kenya waxaa ku kala qeybsan hogaanka sarre. Madaxweynaha iyo Hogaamiyaha mucaaradka ayaa daba ka riixaya, waxaase diidan ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

Siyaasiyiinta Soomaalida ee gobolka iyo heer dowladda dhexe ayaa dhankooda la kala safan dhinacyadda, taasi oo la sheegay in ay ka mashquulisay adeegyadii aas-aasiga ee looga fadhiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo ku baaqday in Maamulka Badda Cas Lagu Koobo Dalalka Xeebaha Leh oo Kaliya

Isagoo ka hadlayay arrimaha biyaha, Abdelatty wuxuu ku tilmaamay biyaha xuquuq aasaasi ah oo bani’aadamka leeyahay.

  • Afrika

    16-02-2026

  • 12:27PM

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM