Xildhibaanadii sidda qarsoodi ahaa ku tegay Muqdisho oo loo digay

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa lagu waramay in ay digniin hawada u marisay Xildhibaanadii sidda qarsoodiga ahaa ku yimid magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Mudaneyaasha oo wadar ahaan gaarayey 11 ayaa Sabtidii ka degay caasimadda Soomaaliya lana kulmay madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale.

Mureithi Mwangi, xoghayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa u sheegay xubnahaas "in aysan mar kale ku dhaqaaqin falkaas".

Isagoo u waramay saxaafadda, wuxuu tilmaamay in sharci-dejiyeyaasha looga baahan yahay in ay qaataan fasax kahor inta aysan duulin.

"Arrimaha ka taagan waqooyi barri ma ahan mid aan lala tacaali karin, qof walba oo doonaya in uu si bilaash ah gacan kaga geysto xaaladaas waxaa waajib ah in uu u maro qaab loo ogol-yahay," ayuu xusay.

Xukuumadda ayuu tilmaamay in ay "ka walaacday" safarka xubnaha "maxaa yeelay in aysan ogolaanshiyo ka qaadan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo in aysan marin nidaamka saxda ah".

"Sidaasi awgeed, waa in aysan arrintaas oo kale mar kale soo laaban ogolaanshiyo la'aan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Xildhibaanada oo ay casuuntay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale. Markii ay ku laabteen Nairobi, daqiiqado ayaa la xiray, wallow lasii daayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM

Shiinaha oo xoojinaya saameynta Geeska Afrika xili Israel kusoo biirtay tartanka Gobolka

Tareenka ayaa si weyn loo arkaa inuu yahay iska-celin u ah Waddada Lobito ee ay taageeraan Maraykanka iyo Midowga Yurub.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 08:50AM