Xilka qaadis lagu sameeyay taliyihii ciidamada dalka Nijer

Image

NIAMEY, Niger – Madaxweynaha Niger, Mahamadou Issoufou, ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidamada dalkaasi, Ahmed Mohamed, kadib markii weerar lagu qaadey xerooyin ciidan.

Jeneraal Salifou Modi oo horey usoo noqday u qeysanaha militeriga safaaradda Niger ee dalka Jarmalka ayaa loo magacaabey jagadda laga eryay Jeneraal Maxamed oo howlgab ah.

Isbedelka hogaanka ciidamada Niger ayaa yimid markii in ka badan 160 askari lagu dilay labo weerar oo lagu qaadey fariisimo milatari oo ku yaalla nawaaxiga xuduuda uu la wadaago Mali.

Issoufou ayaa faray taliyaha cusub in uu si degdeg ah wax uga qabto weerarada soo noq-noqday bilooyinkii dambe.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa soo kabasho degdeg ah u rajeeyay tirro kale oo askar ah oo ku dhaawacmay falkaas.

Modi ayay warbaahinta dowladda kasoo xigatay in uu la imaan doono siyaasad ku wajahan "argagixisada gobolka".

Kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish ayaa ku awood badan dalalka dhaca galbeedka Africa sida; Burkina Faso, Mali, Mauritania iyo Chad, kuwaasoo ku midoobey isbahaysiga G5, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM